Madaxweyne Gaas Oo Ku Wajahan Magaalada Gaalkacyo
01 Okt 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntlans Dr. C/weli Mxaamed Cali Gasa, ayaa Maalinimada Berrito ah ku sii Jeeda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.
Madaxweyne Gaas, ayaa Socdaalkiisa Gobalka Mudug waxaa ku wehlin doona Xubno kamid ah Labada Gole ee Dowladda iyo Saraakiisha ugu Sareysa Ciidamada, waxaana la filayaa inuu Madaxweynuhu ku sii Hakado Deegaanada u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Garoowe, si uu Xog wareysto Bulshada ku nool Deegaanadaas.
Madaxweynaha Puntland, ayaa Safarkiisa lagu Sheegay miduu ugu kuur-galayo Xaalada Ammaan iyo mida Nolaleed ee Gobalka Mudug, gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo, oo muddoomiyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen Falal ammaan darro.
Wararku waxa ay Sheegayaan in Madaxweynaha Puntland inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo, uu Xariga ka jari doono Mashaariic ay Dowladdu ka Hir-gelisay Gaalkacyo, waxaana Goobaha Madaxweynuhu uu Xariga ka jarayo kamid ah Madaxtooyadda Cusub ee Dowladda Puntland ay ka dhista Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.
Dhinaca kale, Ilo Wareedyo ayaa Sheegaya in Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, inuu Gaalkacyo uga sii Gudbi doono Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Madaxda Hay’addo Mashaariix ka wada Deegaanada Puntland.
Safarka Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas uu ku aadayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, ayaa kusoo aadaya xilli uu Maalin ka hor soo Gaba-gabeeyay Socdaal qaatay 10 Berri oo uu ku Tagay Deegaano ka tirsan Gobalada Karkaar, Sanaag iyo Berri.
Puntlandes.com