XISAABTAN DAWLADEED MISE RIWAAYAD SIYAASADEED

Inkastoo dadka qaarkiis uu yididiilo yar geliyay haddana shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Garowe ee Madaxwayne Gaas iyo Xukuumadiisa maaha mid u qalma ama lagu tilmaami karo eray bixinta uu siiyay Madaxwayne Gaas ee ahayd  “La xisaabtanka Xukuumadda”  Ma oran karo xisaabtan dawladeed wuxuuse u muuqday maaweelo ama riwaayad madadaalo ah oo lagu marin habaabinayo shacab waynaha Puntland.

Marka laga hadlayo xisaabtan dawladeed oo dhab ah wuxuu macna iyo muuqaal ahaan intaba ka duwan yahay sidii ay wax uga socdeen Garowe dhowrkii maalmood ee ina dhaafay gaar ahaan shirkii ka dhacay xarunta wasaaradda caafimaadka.

La xisaabtan dawladeed wuxuu leeyahay calaamado iyo astaamo u gaara oo lagu sooco kuwaas oo aan haba yaraatee ka muuqan shirka  xisaabtanka lagu sheegay ee uu guddoominayay Madaxwayne C/weli Gaas.

Arrimaha la yaabka leh waxa weeye cidda xaqa u leh inay la xisaabtanto dawlad ama xukuumad? Ma xukuumadda ayaa isla xisaabtanta dhexdeeda mid cid kale oo u dhaxayn karta dawladda iyo dadka ay xilka u hayso? Ma jiray halbeeg aan la dhaafi Karin oo lagu cabbiri karo in wax la qabtay iyo in kale?

Suuragal ma tahay in masuuliyiinta lala xisaabtamay oo dhan ay wada guteen xilkii loo igmaday oo dadkoo dhami si isku mid ah wax u qabteen mise qaarkod waxba ma qaban? Madaxwaynaha miyuusan horay ula socon shaqada dalka ka socota?

Su’aalahaas iyo kuwo lamid ah waxay ahaayeen kuwa ugu badan ee aad isu waydiinayaan dadwaynaha Puntland maalmihii lasoo dhaafay , Iyadoona ay u muujisay qaybaha bulshada, inuu ka sareeyo Cabdiwali Gaas iyo Gollihiisa Wasiirada meeshii horey looga filayay.

1331

Kalfadhigii golaha Wakiillada Puntland ee dhowaan waxaa barlamanku barnaamij noocaan oo kale ah la sameeyay barnaamij noocaan Xukuumadda waana hay’adda ugu dhow inay la xisaabtanto Golaha Wasiirrada.

Inkastoo la xisaabtankii dhex maray Baarlamanka iyo Xukuumada Puntland uusan u dhicin sidii Dadwaynuhu ka filayay maxaa yeelay ma jirin Wasiir keliya oo barlamanku kusoo oogay inuu gudan kari waayay xilkii loo igmaday sidaasna xasaanadii lagaga qaaday, laakiin waa maqcuul marka xagga sharciga loo eego barlamanku waa kan kaliya ee la xisaabtami kara Xukuumadda.

Balse qorshihii uu dhawaan soo bandhigay Cabdiwali Gaas hadii uusan ahayn dhoola tus iyo mid siyaasadeed maxaa keenay mid kale oo maalmo ka dib uu ugu magac daray Madaxweynuhu La Xisaabtanka ka  wasiirrada tayada iyo kartida daran ee Xukuumada uu hogaaminayo Cabdiwali Gaas ? Tan kale Miyuusan ka war qabin Madaxwayne Gaas  in dadka Puntland leeyihiin bisayl siyaasadeed oo ay ku kala saari karaan dhabta iyo dheesha.

Hadii aynu usoo noqono barnaamijka Isla Xisaabtanka C/weli Gaas iyo Xukuumadiisa dhexmaray marka si dhab ah loo eego qaabkii uu u socday bandhigga hay’adaha dawladda waxa uu ku koobnaa dhowr qodob oo keliya, kuwaas oo kala ahaa:

  • Dhalliilaha aan loo meel dayin ee ay wasiirrada oo dhami u jeediyeen Xukuumaddii hore ee Dr. Faroole , waxayna u muuqatay taasi inay ahayd mid ay ku raalligelinayaan Madaxwayne Gaas,, waayo Wasiir kasta waxaa hadalkiisa ku jiray ama uu ku bilaabaa“ Markii  Wasaaradda la ii magacaabay ma jirin wax shaqo ah oo ka socday Wasaarada, Meel Cidla’ ah baan wax ka billaabay”
  • Khudbado qurux badan laakiin aan waxba ka hoosayn. Sababtoo ah marka laga hadlayo wax qabad dawladeed waa inuu noqdaa wax la taaban karo oo lagu wada qanci karo sida  tallaabbo horay loo qaaday oo kale .
  • Tusaale ahaan Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji wuxuu yiri“ Bangiga adduunka oo naga sii jeeda baan soo jeedinnay” Safaro iyo Booqasho Wasiir ku tegay degaan iyo gobol, Hay’ado ajnabi ah oo shir lala qaatay, Safar lagu tegay Kenya ayaa lagu fasiray Waxqabad dawladeed.

1333

Wasiirkii hore maaliyada oo dhagax dhigaya Saldhiga Garowe

Sheegasho been abuura oo la xiriira barnaamijyo la wada ogyahay inay qabatay Xukuumaddii hore ee Dr. Farole ayay maanta wada sheegteen Wasiirada Cabdiwali Gaas , Waxaa ugu yaab badnaa Wasiirka Amniga oo sheegtay dhisme ay hirgelisay Xukuumadii hore taas oo xataa la hayo Sawirka Masuulkii Dhagax dhigay.

Intii ay socotay dooddu ma jirin Wasiir keliya oo sheegtay waxqabada uu sabab u noqday oo la hirgaliyay sanadkii uu xilka hayay , waxaana khudbadaha Wasiirrada ka wada muuqatay inay isaga khaldan yihiin waxqabad horumar ah iyo hawlmaameedka shaqada wasaaraddaha.

Madaxweyne Gaas oo ay isaga qasan yihiin arrimuhu ayaa taas la qaba Wasiirada, Tusaale ahaan wasiirka haweenka waxay soo bandhigtay ama ku faantay inay socdaal dheer ku tagtay gobollada Puntland intooda badan weliba kuwa ugu fog-fog ah  ,Ma xuma taas, laakiin maaha waxqabad.

Sababtoo ah wax qabad waxay noqonaysaa marka wasaaraddu ay ka jawaabto baahiyaha iyo dhibaatooyinka haysta haweenka dhulka ay booqatay, mase jirin qodob yar oo ay wasiiraddu sheegtay inay ka qabatay wixii ay soo aragtay.

Intooda badan wasiiradu kala mid bay ahaayeen wixii ay soo bandhigtay Wasiir Aniso Cabdulqaadir, Waxaase nasiibdarro noqotay Madaxwaynaha oo u mahadcelinaya wasiir kasta marka uu arrimaha noocaas ah waxqabad ku tilmaamo.

Intii ay jirtay Xukuumadda maanta ka talisa Puntland waxaan meelna lagu sheegin hanti fara badan oo kasoo xarootay cashuurta laga qaado dadwaynaha la leg-damaya nolol maalmeedkooda hase ahaatee saddexdii maalmood ee shirku socday lama soo hadal qaadin halka ay ku maqan tahay hantidaas qaranka.

Dhibaatada haysata Madaxwayne Gaas iyo Golihiisa Wasiirrada waxa ugu wayn khibrad la’aanta iyo aqoon darrida ka haysata macnaha dawladnimada iyo hannaanka horumarinta dawladnimada.

Dad badan waxay ilaa iyo haatan qaadan la’yihiin darajada cilmi ee Madaxwaynuhu wato iyo weliba takhasuska aqooneed iyo shahaadaha uu wato iyo xaaladda dhaqaale xumo,hoggaamineed, dawladnimo ee ka jirta Puntland.

1320

Oday reer Puntland ah oo aan kula kulmay Bosaso oo arrintaas ka faallooday ayaa hadalkiisa kusoo afmeeray “ PhD baan wataa iyo Jaamacad ku taala USA baan wax ka dhigaa, iyo Dhaqaale baan bartay ha iga harto”.

Si dhab ah marka loo dhuuxo hadalkaas  kadibna lagu jaangooyo halqabsiga Madaxwayne Gaas iyo taageerayaashiisa indha la’aantu hayso iyo xaaladda ay gashay Puntland waxa si fudud u muuqan karta xeeldheerida hadalka odaygaas.

Tan kale ma jirin qeexitaan la isku raacsan yahay oo lagu asteeyay cabbirka waxqabadka wasaaradaha waxaana jiray shir ka dhacay Garowe billowgii 2014  kaas oo wasaaraduhu kusoo bandhigeen waxa ay qaban doonaan sannadka lasoo dhaafey ee 2014.

Wasiir kasta shirkaas wuxuu ballanqaaday wax aad u fara badan oo wada qurux badan laakiin shirkan dambe ee lagu sheegay xisaabtanka looma eegin khudabadaha wasiirrada  wixii ay horay u ballanqaadeen.

Sababtuna  waxay tahay wasiirrada uu magacaabay C/weli Gaas oo ah kuwo aan lahayn khibrad iyo awood saadaalineed oo ku saabsan hawsha hortaalla, qiimayn kara xaaladda dalka, caqabadaha dalka ka jira, waxa la qaban karo iyo waxa aan suuragalka ahayn.

Waxaa aad u xiisa badnaa in Hanti-dhowrka guud ee dawladdu uu si dhab ah carrabka ugu dhuftay in hay’adaha Xukuumadda maanta jirta aanay u dhaqmin qaab lagu wada xisaabtami karo oo ay yihiin jaantaa rogan.

Intii uu socday kulanka Garoowe wasiir kasta wixii la qururx badnaa ayuu horay u ballan qaaday, lakin maanta wax kale oo qurux badan oo aad uga duwan wixii hore ayuu lasoo shir tegtay mana jirin su’aalo la xiriiray wixii horay loo ballan qaaday.

Marka lasoo koobo shirarkii xisaabtanka xukuumadda ee dhowaan lasoo ebyay waxay dadwaynaha Puntland oo dhami ku wada tilmaameen riwaayad maaweelo ah oo ay dhigeen kooxdii isbeddel doonka laakin ay noqotay mid aan haba yaraatee wax xiisa ah u lahayn dadwaynaha.

Cabdalla Xaaji,

Daabacaadii: Puntlandes.com

 

About The Author