Warbixin-Xog: Ma saanaa Horumarkii, Cadaaladii iyo Isla Xisaabtanka Dr Gaas? Qaybtii 4aad

Warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes.com waxay horay indiinku soo gudbisay Qoraalkii koowaad oo aanu ku soo qaadanay

Qaybta 1aad: Xisaabiyaha Guud Maaliyada Gobalka Mudug.

Qaybta 2aad: Maareeyaha Airporka abdullahi yusuf ee Magaalada Gaalkayo

Qaybta 3aad: Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Gobolka

 

Waa kuwa kooxda haysataa Gobolka iyo Xaruntiisa?

4-Agaasimaha ciidanka P.I.A ee Gobolka Mudug

1309

Magaca: Cali Digif oo uu dhalay AUN C/laahi Yuusuf walaalki

Jufadiisa/Qabiilkiisa: Jufada reer Mahad/Cumar Maxamuud.

Wuxuu xilka hayaa 6 sano asaga hortiisna waxaa ahaa booska AUN Yaasiin tolwaayay oo isna reer Mahad/Cumar Maxamuud ahaa oo qarax bambaano lagu dilay Gaalkayo. Waxaana uu Mr Dhigif ka tird´san yahay Kooxda uu Hogaamiyo Mr Gaadayare oo reer Gaalkacyood u yaqaaniin madaxweynha Gobolka Mudug.

5- Taliyaha Ciidanka Godod

 1309

Magaca: Saacid bidaar

Jufadiisa/Qabiilkiisa: Jufada reer Mahad/Cumar Maxamuud.

Wuxuu xilka taliyenimo haya ilaa asaaskii puntland 16 sano. khibrad ciidan maleh laakiin ka mid ahaanshaha kooxda Mr Gaadayare ayuu booska ku joogaa.

6- Duqa Degmada Gaalkayo

1251

Magaca: Cabdicasiis Jaamac Nugaal

Jufadiisa/Qabiilkiisa: Jufada reer Mahad/Cumar Maxamuud.

Mr Nugaal wuxuu xilka hayaa tan iyo Abriil 2014 wuxuu ku soo baxay doorasho musuqmaasuq ahayd oo lacag la siiyay Golihii deegaanka ee doortay waxana arinkaa ka shaqeeyay madaxweyne Dr Gaas oo 50,000 oo dollar siiyay chief campaigna uga dhigay Caasho Geele. wuxuu kaloo tageero lixaad leh ka helay markaas Mr Gaadayare. Wuxuu ku gulaystay codad yar 13 cod oo kaliya. Sidii loo doortay waa yartahay inta uu soo shaqo tagay sida loo cadeeyey Warbaahinta Maxadabanaan ee Puntlandes.com lagumana arko xafiiskiisa wax uu u qabtay Magaalada gaalkacyana lama hayo. Qoraalo faahfaahsan oo ku soo baxay Puntlandes.com akhriso:

Xaggee ku ogayd Duqii Magaalada Gaalkayo?

Xaggee ku ogayd Duqii Magaalada Gaalkayo (ma Sweden mise)?

Mr Nugaal wuxuu ka tarjumayaa cadayna u yahay Isbedelkii uu madaxda ka ahaa madaxweyne Gaas kaasoo aan haba yaraatee wax Cadaalad iyo Horumar ah aan u keenin Geyiga Puntland. Mr Nugaal wuxuu ka tarjumayaa ewaxqadabka Dr Gaas waana sidii markii horeba madaxweyne Gaas ku taageeray markii kooxda Mr Gaadayare uu hogaamiyaa ay keensadeen.

Qoraaladii hore ayaa waxaa ku jiray labadii Duq magaalo ee soo mara Gaalkacyo ee ugu shaqada badnaa waxaa Shaqada ka eryey Mr Gaadayare.

.

7- Taliyaha Ciidanka Booliska Birmadka Gobolka Mudug

1336

Magaca: Cabdirashiid Xassan Xaashi (Gebi-Gebi)

Jufadiisa/Qabiilkiisa: Jufada reer Mahad/Cumar Maxamuud.

Kooxda Gobolka Mudug taladeeda haysa ayaa soo xulatay ninkan, wuxuuna hore u ahaa madaxii ilaalada Musharax Cali Xaaji. Madaxweyne Gaas waa uu ku raacay soo magacaabitaankii Kooxda Mr Gaadayare u soo magacaabeen Mr Xaashi in uu noqdo Taliyaha Booliiska Birmadka Gobolka Mudug.

8-Gudoomiyaha Gobolka Mudug

821

Magaca: Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey)

Jufadiisa/Qabiilkiisa: Jufada reer Xirsi/Cumar Maxamuud. Mr Tigey waa afhayeenka kooxda Mr gaadayare waana xubin ay kooxdani ku adeegato iyagaana keensaday iyagaana meesha ku haya. Waxa ay rabaan maahe wax kalena ma samayn karo

Sida aad la socotaan Madaxweynaha Puntland Dr cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa uu ka soo jeedaa Gobolka Mudug. Gobolka Mudugna waxaa haysta Kooxdan uu madaxda ka yahay Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare Soomaalidaa waxay tiraahdaa “Tiisa daryeelaa tu ku dara” ama “Ninkaad kabo ka tolonaysid kabihiisaa la eegaa” Hogaanka Dr Gaas ee Puntland waxaa Muraayad u ah Gobolka Mudug lagana sugi mayo waxqabad nin Gurigiisii saas yahay. Taageerayaasha Gaas ee indhaha istirayoow ma qarin kartaan sida uu Puntland ka dhigay madaxweyne.

La soco qaybaha dambe iyo Falanqaynta Warbaahinta Madaxabanaan ee Puntlandes.com

 

Puntlandes.com

About The Author