Falanqaynta warkii maanta ay Dawlada Puntland ka soo saartay Maamul u samaynta Gobolada Dhexe

Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Puntland ee maanta 01 jan 2015 ka dhacay Madaxtooyada Puntland uuna shirgudoominayey madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa qodobadii looga hadlay warsaxaafadeedkana lagaga soo saaray waxaa ugu Mugwaynaa Qodobka ku saabsanaa Muumul u samaynta ”Gobolada Dhexe”. Dawladda Puntland marakan waxaad moodaa in ay Hurdada ka soo baraarugtay, waxayna isticmaashay weero aad uga adag kuwii hore ay u isticmaali jirtay.

Aqoonyahanada wax odorasa ama saadaaliya horayna uga digayey arintani in aysan ahayn arin la dhayalsado waxay leeyihiin kuma fila warkii maanta ka soo baxay dawladda Puntland difaaca Gobolka Mudug.

Si aanu u falanqayno aynu soo qaadanao warkii maanta ka soo baxay Dawladda Puntland oo ahaa sidatan:

 

Maamul u Samaynta Gobolada Dhexe

 

Dawlada Puntland ee Soomaaliya waxay soo dhowaynaysaa baahida iyo hirgalinta Nidaamka Federaalka Soomaaliya iyo Maamul u samaynta Gobolada dalka guud ahaan, gaar ahaan Gobolada dhexe isla markaas Dawlada  Puntland ma aqoonsan doonto  dhisme Maamul oo aan waafaqsanayn Dastuurka Soomaaliya iyo heshiiskii dhex marayDawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka.

Marka koowaad Dawladda iyo shacabka Puntland Villa Somalia idiinkagama baahna in aad u aqoonsataan in Waqooyiga Gobolka Mudug ee Puntalnd uu qayb ka yahay maamulka loo samaynayo Gobolada Dhexe. Odoyaasha kala ah madaxweyne Xasan, CabdiQaybdiid, Oday Xaad, Indhocade, Axmed Diiriye…awalba idiinkama fadhin reer Puntlandoow in aad Gobolka Mudug u aqoonsataan in uusan Puntland ka tirsanayn ee waxay wateen weedhii Caanka ahayd ee uu yiri CabdiQaybdiid ”Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin” Dawladda Puntland waxay doonaysaa warka in lagu qaldo Shacabka reer Puntland gaar ahaan reer Mudug in ay isdagtaan oo isu maleeyaan in dawladoodu difaacayso.

Dawlada Puntland ee Soomaaliya waxay ka digaysaa in Maamul u samaynta Gobolada dhexe ay soo kordhiso fawdo iyo Jaahawareerin shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan shacabka ku dhaqan Gobolka Mudug ee Puntland.

Nin awalba BOOB bareer ah waday ma ku baqayaa digid loo digo mise? Dawladda Puntland waxaa quman in ay runta u sheegto shacabka samaha iyo Dawladnimada Jecel ee reer Puntland si ay isku Difaacaan ileen ma haystaan dawlad gudata waajibaadkeeda Dastuuriga ah oo ay ugu horayso ilaalinta iyo difaacida dalka Puntland.

 Sidoo kale Dawlada Puntland waxay shacabkeeda u sheegaysaa in aan lagu qaldin magac bixinta Maamulka Gobolada dhexe ee ah Mudug iyo Galgaduud isla markaana magacaasi uusan ahayn mid shaqayn doona, sidoo kale Dawlada Puntland waxay Maamulka Gobolka Mudug Puntland iyo Shacabkiisa faraysaa in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada lagu marin habaabinayo shacabka ee ka socda Galgaduud

Halkan waxaa ku cad in uu Dr Gaas heshiis kula yahay madaxweyne xasan in uu BOOBO Gobolka Mudug ka dibna uu ka yeelo sida Gobolka Sool oo ay Somaliland iyo Puntland isku haystaan lahaanshihiisa iyadoo Somaliland oo hada xoog ku haysata ay sheegato Gobolkaas.Waxa ay odoyaasha fadhigoodu yahay Villa Somalia doonayeenba soow saas maaha ma iyagaa awalba xoog ku qabsan karay Gobolka Mudug.

Maxay tahay waxa uu la soconayaa maamulka Gobolka Mudug ee ay Dawladda Puntland fartay?

Dhawaan waxaa la filayaa in uu yimaado cadaado madaxweynaha DFS Xasan Sheekh arinta ay maanta Dawladda Puntland soo saartayna waa Boor lagu qarinayo arintan iyadoo la doonayo in dadka la dejiyo si loo maaweeliyo.

Dawlada Puntland waxay sidoo kale u sheegaysaa Muwaadin kasta oo u dhashay Puntland ee ka qayb qaata ama ka qayb gala dhaqdhaqaaqyada lagu marin habaabinayo shacabka ee ka socda Galgaduud inuu yahay Khaa’in wadan isla markaana Dawlada Puntland ay gacan bir ah ku qabanayso’’.

Kuwa Hungurigu qaaday ee reer Puntland ma ku gabanayaan digis loo digo? Wasiir ka tirsan maamul Xaafadeedka Galmudug waxa uu ka soo jeedaa Puntland maxay tahay talaabada ay ka qaaday Xukuumada uu hogaamiyo Gaas? Waxba!!

Ilaa iyo hada in shacabka la maaweeliyo maahee Xukuumada uu hogaamiyo Gaas wax tilaabo difaac, mid weerar iyo mid diblomaasiyadeed oo ay ku dhaqaaday lama hayo aan ka ahayn Heshiiskii uu ugu hiiliyey Xilkiisana ku waayey Raysul Wasaarihii hore Cabdiwali sheekh.

Puntland weerar baa lagu yahay marka waxaan ka codasanayaa Xukuumada uu hogaamiyo Gaas qodoban hoose:

  1. In ay fadhiga ka kacdo Xukuumadu ayna qaado weer Diblomaasiyadeed maxaa yeelay Beesha caalamku waa ilaaliyaha Soomaaliya.
  2. In ay Xukuumadu Abaabusho kicisana dhamaan shacabka reer Puntland.
  3. In ay Dawladu ay isu diyaariso haddi lagu qasbo difaacida Dhulkeeda iyadoo u maraysa dariiq kasta oo ay ku xaqiijin karto in aan Mudug la BOOBIN

 

Puntlandes.com

About The Author