Gaalkacyo: Qarax loo gaystay Gaari ay saarnaayen Macalimiin Kenyan ah

Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa qaran xoog badan loo gaystay gaari ay saarnaayeen macalimiin Kenyan ah waxaana ku geeriyooday qaraxaas hal qof,halka ay shan kalena ay ku dhaawacmee. Qaraxa ayaa ahaa nooca Remootka laga hago iayadoo lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Macalimiintaas magaalada.

Macalimiinta qaraxa lala beegsaday ayaa Barayaal ka ahaa iskuulka Yamays oo ku yaala magaalada Gaalkacyo,waxaana dhaawacooda la geeyay Cisbitaalka wayn ee Gaalkacyo,halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda Caafimaad.

Puntlandes.com

About The Author