Maqaal: Socdaalkeygii Puntland iyo Siyaasada Gaas!

Waxaan ku bilaabayaa Eebe weyne magaciis, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa allaha yeelo nabi Maxammad csw intaa ka gadaal.

Qaybtii hore ee qormadaan waxaan uga hadalnay bulshadii ku dhaqnayd deegaamadaas iyo noloshu sidey ahayd.

Qormadaan waxaan uga hadli doonaa haddii Eebe weyne ogolaado siyaasadii oolayd gudaha deegaanada Puntland. Siyaasad kolka aan ka hadlaynaa waa qaybo iyo unugyo badan tahay. Mida aynu qalinka uqaadanay waaqic-siyaasadeedka bulshada kala duwan dhexdooda yaalay oo ay siddii banoonigii ninba meesha uu kasoogaaro u darbaynayay. Mid udarbaynayay aqoon laacibtinimo ku dheehan tahay iyo mid suulashu go’ayeen oo iska laad uun uu ahaa xaalkiisu lagase yaabee innuu gool aan kutalagal ahayn kadhalankaro darbadaas. Siddaana laacaibweyn ku ahaa.

Qormadaan waxay ku socotaa midka jiifa inay kiciso, midka fadhiyana inay istaajiso, midka taaganna inay socodsiiso, midka soconayana inay ruclaysiiso, midka ordayana inay xiiqtirto.

Arar mugweynleh:-

Inta badan arartu waa af-gobaadsi iyo afmiishaarnimo. Laakiin arartan aynu qormadan u samayn doonaa waa ka duwan tahay. Laba waxyaaboodba waa ugu duwantahay.

Wuxuu marar badan qalinkaygu mohadey innuu dhamaystiro qormaddii socdaalkayga, waanse isdiidsiinayoo waxaan is lahaa armaad rati baarqaba intaad kiciso uu durduro bilaabaa. Maantase way mudantahay siddaan isleeyahay.

Mida koobaad siyaasad ayaynu ka hadlidoonaa oo dhibkeedu badan yahay, laakiin xaqiiqada ayaynu ku koobsan doonaa.
Mida labaadna xasaasiyad qabyaaladeed ayaa jirta, kolkaas waa innaan cadaalad falnaa si aan u xaqiijino innaynaan ku xadgudbin dadyowga sidda gaarka ah aan ugu xusidoono qormadaan.

Siyaasada Puntland:-

Waxaynu wada ogsoonahay in Puntland aykamidtahay Soomaaliya. Laakiin duruufo keenayba haatan tahay maamul kaligii taagan, iskiis u taagan, dadab utaagan, Soomaalina u taagan, dadkooda u taagan, dadkiisa u taagan, isna isutaagan!.

Boloowgii siyaasada Puntland waxay ahayd raadinta Soomaaliweyn iyo isusoodumidoodii. Dadka reer Puntland kolkaas waa ku kala aragti duwanyihiin Puntland-nimada iyo sidda loo adeegsanayo.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu horeeyay cid astaan gaara oo ka duwan tii Soomaaliyeed sameeysay. Dadka reer Puntland cod lagama qaadin ay ku dooranayaan astaanta iyo calanka toona. Laakiin si nugayl badan ayay ku qaateen oo waliba carruurtii ku xifdiyeen oraahyadii iyo heesihii Calanka loosameeyay. Waxayna yeelatay Dastuur iyo Manhaj gaara.

Magaalooyinkii waaweynaa ayaa la suray calankii Puntland iyo dhamaan goobaha adeega bulshada. Waxaana biloowdey kacaan olole ugu jira Puntland-nimada ilaa heerkulkiisu gaaray 44-digree.

Halkaas iyada ooy joogto ayaa waxaa wadanka ka dhacdey doorasho ay ku loolameen ragg iskood isusharaxay uuna ka mid ahaa madaxweynihii markaas talada hayay. Dadka reer Puntland markaan la sheekaystay waxay ii sheegeen in haddii mudane Faroole ku guulaysan lahaa ay ka go’ilahaayeen Soomaaliya. Waxaan waydii diyaar ma u ahaydeen arinkaas ? waxayse ku jawaab celiyeen siyaabo kala duwan.

Dadka qaybi waxay ka carroodeen siyaasadii Dawlada Faderaalku kula dhaqantay Jubbaland. Halka qaybina aamin sanaayeen in colaaddii sokeeye dib usoolaaban karto siddaas awgeed ay mudan tahay Puntland innay madax banaanaato. Kuwo intaaba ka duwan ayaa jiray oo aamin sanaa iyagu Soomaalinimadu inaytahay waxaan gorgottan siyaasadeed gali karin. Sikastaba hanoqotee masiirka Puntland wuxuu ku xirnaa doorashada!.Doorashadiise waxaa ku guulaystay madaxweynaha hadda taladahaya Cabulweli M Gaas.

Gaas iyo dadka:-

Gaas musharaxa markuu ahaa ayaa haddalo badan oo uu khudbado ku dhexyiri keeneen guux iyo tuhun siyaasadeed. ” Puntland waa raaliyo aaskulayte guursado marwalbo”. Midaan ayaa ugu caansanay oraahyadiisii ololaha madaxtinimo.

Dadka rear Puntland way ku kala qaybsameen aragtida musharaxa tunka weyn ee talada doonaya, laakiin waxay iimaan kuqabeen qoontiisa sare iyo xilkii labaad ee ugu sareeyay Soomaaliya innuu sooqabtay.

Markuu xilka la wareegay Gaas dadka reer Puntland waxay usoodhaweeyeen kal iyo laab. Waxyaabaha keenay soodhawayn tooda ayaa waxaa ka mid ah. Dhaqaalihii wadanka oo hoos udhacay. Gaasna uu ahaa dhaqaale yahan waliba bare ka ahaa wadanka Duna hormuudka u ah Maraykan jaamacad kutaal.

Dadku waxay raadinayeen isbadel dhanwalbo ah. Waxay u raadinayeen siddii hooyo ilmeheedii kalumay oo ku raadjoogta. Mase dhicin isbadelkii ay raadinayeen dhakhso inay u helaan. Waxay iswaydiinayeen dadku kolkaan la kulmay ” Heedhe madharab ayaa reeraha loo dhaangayn”.

Siyaasada Gaas:-

Madaxweyne Gaas waa nin dacabsan macaan oo jilicsan sidda dunta laga sameeyo xariista. Shaqsi ahaan waa ruux kalgacayl badan uu kabuuxo laakiin aannu lahayn miisaan kalgacalkiisu. Waa madaxwaynaha kaliya ee Puntland inteeda badan dhexmaray lana fariistay waayeel badan oo aan arag madaxdooda waligood maqal uun mooyaane.

Gaas wuxuu xilka la wareegay Puntland oo heerkulkeedu yahay 44-digree isna uu ahaa 34-digree. Taasi waxay sababtay innuu lafalgeli waayo cimiladda uu yimid. Mana uusan wadan wax heerkulkaan jabinkara. ”Isna maahan ruux Tuftiisu dawo tahay”.

Madaxweyne Gaas kolkuu Hayay xilka laba bilood waxaa la ogaadey dabeecadihiisii intoodii badnayd. Waxaa kaloo la ogaadey qaabka uu ufikiro iyo cidda loomarin karo fikradaha dahsoon ee aanu iska eegi karihayn. Waxaa kaloo la ogaadey go’aan qaadashadiisu fariyo suul dhexdood innay ku jirto. Arimahaasi waxay keeneen innu u muuqdo. ”Kaluun salax yar oo biyo kujiraan ku dhexnool”. Malahayga waxaa ku haboon in looqaado mudane Gaas heestii kasha iyo mooyaha.

Macadee ha cadaado
Caano geel how ekaado
Cuqaalbaa cudoonta
Iyo caalim wadaada
Iyo reer Curadkoode.

Heestu malahayga aad ayay u salsalaabaysaa siyaasada madaxweyne Gaas. Waayo ilaa hadda macada siyaasada uu ku dhaqayo Puntalnd. Siddee ku cadayn karaa?.. Waxaa horay u jiray laba fikir oo iska soo horjeeday, kuwaas oo kala ahaa.

Maamulka Puntland waa gobolo isu tagay Dawlada dhexaana awooda iska leh. ( Gaas waa gudoomiye gobolo isu tagay). Gaas fikirkaan fulintiisii ummadhaqaaqin.

Mayee Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed weeyaan Dawlada dhexena waxyaabo yar oo khaasa mooyaane awooda Dawladaha xubinta ah ayaa iska leh. ( Gaas waa madaxweynaha Dowlada Puntland). Gaas miskaanna fulintiisa ummadhaqaaqin.

Madaxweyne Gaas kolkaas weli umabareerin labada mid, mana soo shaacbixin midkaloo ka duwan labadaas!. Makulatahay labadaa ra’yi mid ka duwan inuu jiro?.

Aragtidaydii siyaasada Gaas:-

Markaan tagay Puntland waxaan ahaa ruux aad ugu faraxsan tawdara curatay. Waxayna ku beegnay bilihii xagaaga oo roobkii gugu aad u biyo dhigay dhulkoo idil. Durba waxaa ii muuqdey daldaloolo aad u badan oo dhanka maamulka ah. Waxaan islahaa Gaas maadaama uuyahay nin ka da’yar madaxdii hore ma noqon doono digtaaroor ama kaligiis taliye. Waayo goboladu isagay hoosyimaadaan. Degmooyinku isagay hoosyimaadaan. Amnigu isaguu hoosyimaadaa. Shaqada wadanka oodhami isagay hoostimaadaa, madaxda kale waa magac uyaalo aan wax kaalin ahi u banaanayn. Markaan usii dhaba galay arintaana waxaan ogaaday Puntland weligeed inay ahayd madaxkanool.

Waxaan arkay dadka ku xeeran Gaas innay yihiin dhamaantood dadkii Tv-yada aan ka arki jirnay ololihiisii. Waxaan iswaydiiyay Campaigner ma hanan karayaan xukuumadda heer kulkeedu 44-digree uu marayo. Waxaan maqlay judhiiba magacyo dadku isla dhexmarayaan waxaanse u qaatay xin iyo xasarad. Waxaan si qotodheer u baaray arimahaan soosheegay iyo kuwa soosacda. Waxaan ogaadey madaxtooyadu innay tahay meel lasusoo dhaweeyo wufuuda caalamka ka laka imanaysa.

Wufuuda daafaha dunida ka kala imanaysaa waxay isugu jireen qaybaha siyaasadda oo idil. Waxaase ilqabad ahaa wufuuda Campaigner-ka ah ee haweenka ubadan. Xafladaha qaybtood waxay ahaayeen kuwo ka miisaan culus dadka loodhigayo. Mugdi siyaasadeed ayaa iimuuqday kolkaas waxaan xasuustay hees aan Gaas u sameeyay intaanan tagin Puntland.

Cawdoow kaan sugaynayoow
Midkii aan ku raysanlayn
Kaboo shacabkana hantiya
Unoqo midaan kalax u iman
Kashiyo mooyahaad tuntaad
Taatiikhdu kungoor ku warin
Kalsoonidii way dhuntoo
Dalkuna kayd raaga maleh
Kacoo kuf buu yahee
U kuurgal baahidoo
Hanoqon kii rubada gooyn

Heestaas ma ay soo bixin waqtigii aan ladoonayay wax dhacayba. Laakiin waxaa dhaboobay muuqashada meerisyo ka mid ah heesta oo aan ugadigayay Madaxweyne Cabulweli M Gaas dhibka haatan taagan iyo mid imandoonaba. Nasiib darose waxaa ah innaan lasixikarihayn khaladaadka dhacaya maalin walba dadka ku xeeran madaxweynaha awgood.

Waxaan leenahay mudane madaxweyne xukunkaagu macadee ha cadaado. Waxaan kaloo leenahay Kashiyo mooyahaad tuntaa Taariikhdu kungoor kuwarin.

Wilaahi towfiiq.

Jaabir Xuseen Gacayte
Geedka dhamasta hoostiisa
Facebook: Filosof Jaber Gaeyte:

 

About The Author