Dhagayso: Wasiir Cali Xaaji ”Ma jiro wax maamul ah oo la dhaho Mudug iyo Galgaduud, arintaasi saxna ma ahan….”

Gaalkacyo (Pes) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa ka digay Colaada laga hurinayo Puntland iyo dadka ay deriska yihiin. Waqooyiga Puntland ayuu Wasiir Cali Xaaji sheegay iany ka tirsan tahay Puntland ayna wax ka dhisatay 16 ka hor, isla markaasna aysan macquul ahayn in la dhaho waxaa lagu darayaa meel kale.

1341

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cali Xaaji Warsame oo ah Wasiirka ugu shaqada badan Xukuumada Dr Gaas ahna nin aad iyo aad u karti badan una firfircoon ayaa wuxuu hadalkiisa ku sii daray ” Maamulka laga samaynayo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud iyo intii Sharcigu waa faqi karo waa u furan tahay inay ku darsadaan Gobolada kale sida Hiiraan,ma jiro wax Maamula oo la yiraahdo Mudug iyo Galgaduud,arrintaasi saxna ma aha Qaanuuna ma aha’’

Waxaa kaloo uu intaas ku sii daray inuusan wali hirgalin heshiiskii dhowaan Garowe ku dhexmaray Dalwada Puntland iyo DFS,wuxuuna ka digay in Dawlada Federaalku ay qaado talaabo ka hor imaanaysa heshiiskii Garowe. Wuxuuna sii raacshay ”‘Anagu waxaan ku taaganahay in maamulada jira wax aan lagala tashan innaan lagu talaabsan,dhinaca in wax laga saxo loo baahan yahay waa Dawlada Federaalka Soomaaliya,heshiiska aan galnay waa cadaynayey taas’’.

Wasiir Cali Xaaji ayaa,wuxuuna iswaydiiyay halka laga keenay in Maamul dhisan 16-sano lagu dul sameeyo Maamul kale.

Ugu dambayntii Wasiirku wuxuu ummadda Soomaaliyeed u iftiimiyey sida xalkeedu uu ku jiro ”Umada Soomaaliya waxay u baahan tahay in la isu soo dhoweeyo in la walaaleeyo,in cidii Maamul leh oo wax qabatay maamulkeeda lagu garab istaago,wixii maamulka uu ka dhiman yahayna la isugu tago sidii maamul loogu dhisi lahaa’’

 

Halkan Hoose ka Dhagayso Warayiga Wasiirka


Puntlandes.com

About The Author