Sawirro: Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Lacaweeyey Bulshada Ku Dhaqan Degmada Qardho.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo taariikhdu tahay 26 November 2018 waxaa uu Dagmeda Qardho bulshada ku dhaqan kula caweeyey mid kamida meelaha ay bulshadu ku caweyso.
Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey kulankan qaar kamida goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, maamulka Degmada Qardho iyo kan Gobolka Karkaar.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu kulan laqaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Qardho sida dhalinyarada, ururada bulshada, waxayna isweeydaarsadeen fariimo katurjumaya sidii la iskaga kaashan lahaa horumarka Gobolka.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa socod dheer oo lug ah ku dhex maray laamiga dheer ee mara magaalada Qardho, iyadoona taasi ay muujinayso amniga iyo hurumarka ay ku tilaabsatay Puntland iyo Gobolka karkaarba.
Sidoo kale dhalinyarta Degmada Qardho ayaa madaxweynaha uga warbixisay baahiyaha gaarka ah ay qabaan, islamarkaana ay dhalintu soo bandhigtay sida ay ugu faraxsan yihiin kulankan ay laqaateen madaxweynaha Dowladda Puntland.
Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhalinta Degmada Qardho kula dar daarmay in ay muhiimadda siiyaan waxabarashada iyo sidii ay horumarka uga shaqayn lahaayeen, isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu dhalinta ku dhiirigeliyey in ay mustaqabalka gobolka iyo tan degmadaba ay kaalin lixaad leh ka qaataan.