Ergeyga Qaramada Midoobay oo ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho & koonfurta Gaalkacyo
26 Nov 2018 (Puntlandes) Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii maanta ka kala dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo caasimadda Soomaaliya ee lagu dilay nin caan ah iyo tiro kale oo ah dad rayid ah.
Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii aroortii hore saaka lagu qaaday xarun uu leeyahay Cabdiweli Cali Cilmi oo ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale gaari miineysan ayaa la sheegay in lagu qarxiyay suuq mashquul ah oo ay dadku ku badan yihiin ee ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho goor hore galabtan, waxaana ciidamada amniga Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen qof laga shakisan yahay inuu ku lug lahaa.
“Weerarradii maanta lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka, Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.” ayuu yiri Mudane Haysom.
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya ayaa amnigeedii faraha ka baxay waqtiyadii u dambayeey iyadoo qaraxyada u noqotay hoy aynu ku dhintaan kuna dhaawacmaan dad badan.
Puntlandes.com