Sawirro: Wafdi ka socda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho
26 Nov 2018 (Puntlandes) Waxaaa maanta Garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Wafdi ka kooban 27 xubnood oo ka socda Guddiga nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika.
Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay inay u kuur galaan xaalka ka jira Soomaaliya oo hadda ah mid faraha ka sii baxaya.
Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Dowladda Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in muhiimada wafdigan ka socda Midowga Afrika u yimaadeen Soomaaliya ay tahay inay qiimeeyaan xaaladda dalka ka jirta.
Maxamed Idiris Faarax,Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo wafdigan hogaaminaya ayaa warbaahinta u sheegay inay booqan doonaan gobolada dalka si ay u ogaadaan xaaladd Soomaaliya ka jirta