Wafdi Ka Socda Golaha Amniga Iyo Nabadda Midawga Afrika oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Khayre

26 Nov 2018  (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo Soomaaliya ku yimid booqasho rasmi ah oo sedax maalin qaadanaysa.

Safiirka Djbouti u fadhiya dalka EthiopiaAmb. Mohamed Idriss Farah ahna guddoomiyaha xilligaan ee golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo hoggaaminaya xubnaha wadfiga ayaa sheegay in u jeedada booqashadoodu ay tahay qiimaynta xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha kala guurka ah ee mas’uuliyadda amniga dalka si taxadar leh loogu wareejinayo ciidanka amniga Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author