Safaaradda Mareykanka oo saxday been uu faafiyay Ra’iisal Wasaare Khayre
26 Nov 2018 (Puntlandes) Waxaa maanta lagu qabtay Xarunta Xalane kulan looga hadlayay arimaha aminga Soomaaliya oo ah kulan joogta oo la qabto dhowrkii biloodba mar. Kulankaan ayaa waxa loo yaqaanaa marka la soo gaabiyo “security sector focused, strand A2”. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wafuud ka tirsan safaradaha beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.
Kulankaan oo muhiimad gaar ah u leh dowladda Maraykanka ayaa Ra’iisal Wasaare Khayre waxa uu codsaday inay wax ka gudoomiyaan shirka mar hadii uusan soo diraynin Wasiirka musaasibka ku ah imaatinka shirka noocaaan ah. Iyada oo lagu sharfayo dowladda Soomaaliya iyo codsiga Khayre ayaa waxa la isla gartay in shirka uu noqda mid ay isla wada gudoomiyaan (co-chair) Safiirka Maraykanka iyo Ra’iisal Wasaare Khayre.
Shirku markii uu dhamaaday ayaa safaaradda Maraykanka waxa ay ka warheshay in RW Khayre sheegtay in uu shirka gumoomiyay oo ah been abuur aan waxba ka jiray. Iyagaoo saxay beenta Khayre ayaa waxa ay bartooda bulshda soo dhigeen qoraal ay ku cadeeynayaa in ay ka xun yihiin sida uu hadalka u soo qortay RW Khayre.
Waxaana ay hadalka ku bilaabeen “ waxaa aad ugu faanaynaa in aanu xiriirinay shirkii maanta oo ay isla gudoomiyeen Khayre iyo Yamamoto…..”
Waxaa nasiib xumo ah in RW Khayre uusan ka xishoonin in uu been ka sheego kulan la wada og yahay cida soo abaabushay iyo cida isla gudoomisay.
Waa tan jawaabtii Safaaradda Maraykanka aay ku beenisay hadalkii Khayre