Sawiro: Puntland iyo Itoobiya oo ka furay Kastamka Xuduudooda
Galdogob(Pes) Degmada Galdogob gaar ahaan meesha la yiraahdo Tuurdibi oo magaladaasi u jirta qiyaas ahaan 6-Km ayaa waxaa laga furay Isniintii Kastam cusub oo ay ka wada faaiidaysan doonaan Puntland ee Soomaalyeed iyo Dowladda Itoobiya.
Xaflad lagu maamuusayey furitaanka Kastamkan cusub ayaa waxaa kaso qayb galay inta badan wasiiradda Puntland, mamulka Rugta Ganacsiga, Isimaddo, waxgarad, Ganacsato ka kala yimi Gobaladda Puntland, Culimo’udiin,mamulka Gobalka Mudug iyo kan degmada.
Waxaa la qorshaynayaa in dhamaadka bishan lagu qabto kulan wayn oo looga hadlayo arrinta Kastamka waxana Galdogo imaan doono wasiiro ka socda DDSI iyo madaxda mamulka Puntland, iyadoona sidoo kale Shacabka Galdogob ay dhul balaaran ugu deeqaan dowlada Puntland, dhulkaasoo loogu talo galay Ganacsataddu inay xarumo ka dhistaan ganacsigooda la keeno.
Daawo Sawirada
Puntlandes.com