Sawiro: Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Caamey oo ka qayb galay Caleema Saarki Garaad Cabdirsaq Garaad Soofe

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji  Cabdullaaahi Cumar Caamey Oo Ka Qayb Galay Munaasasabadda Caleema Saarka Garaad Cabdirsaq Garaad Soofe Oo Ka Dhacday Magaalada Buuhoodle. Madaxweynaha waxaa ka qayb galka munaasabaddaas ku weheliyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha sare ee ciidamada , saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland iyo xubno kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey oo munaasabadda ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa hanbalyo u diray garaadka cusub ee maanta lagu caleema saaray buuhoodle Garaad Cabdirsaaq Garaad Soofe.

Madaxweyne Camey waxa uu Garaadka kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo midnimada soomaaliyeed, nabadda iyo horumarinta bulshada, isla markaana uu la tashado shacabkiisa ku dhaqan guud ahaan deegaanada Puntland.

Waxaa kaloo xaflada Caleema saarka ka qayb galay Isimo ka kala yimid Puntland iyo Gobolda kale ee Soomaaliya iyo Marti sharaf aad iyo aad u farabadan.

Sawiro
1442

1440

1439

1438

1426

1427

1428

1429

1430

1431

1432

1433

1434

1435

1436

1437

 

 

 

1441

 

1443

About The Author