Xasan Yusuf Dhuux ” Nidaam Dowliya maheyn midka leygu xukumay” (Sawiro)

Kulan ay ka qeybgaleen Nabadoono iyo qaar kamida odayaasha Gobolka Mudug ee Puntland oo uu soo abaabulay Xasan Yusuf Dhuux oo kamida ahaa ragii xukunada dheer ey ku riday Puntland ayaa ka dhacay magaalada Galkacyo.

Xasan ayaa ka mid ahaa odayaal Puntland ey ku eedeysay Qaran dumis eyna doonayaan in Galkacyo ey ku daraan maamulka Gobolada dhexe .

“70 Sano ayaan jiraa Nidaam dowladeedna waan arki jiran waqtigeyga inta badan qurbo ayaan joogay waligey ma arag Nidaamka leygu xukumay, Dowlada ma waxey xafiiska u furatay in dadka lagu ceebeyo” Sidaasi waxaa jiri Xasan Yusuf Dhuux

Xasan ayaa ka codsaday dowlada in si hoose  loo baaro kiiskan cidey ku cadaatana lagu xukumaa” waxaan arki jirnay in dambiilaha loo yeero waqtina loo qabto lkn  tani iyada ayaa qayaano qaran ah”

Nabadoon Cabdi Casiis shiikh Yusuf Xaarin  ayaa yiri “cidina kuma qanci karto waxa dowlada ka soo yeeray waxaan qabaa in aan macno loo yeelin oo laga soo qaado dad wareeray oo wadada ka luntay dowlada ayaan ka sugeynaa waxa ey shacabka ku qanciso”

Masuuliyiinti kale ee kulankan ku suganaa ayaa Madaxweynaha ka codsaday in cidii xukunkaasi qaldan ka dameysay ey sharciga horkeento.

Daawo sawirada
1423

1444

1445

1446

1447

1448

1449

1450

1451

 

Puntlandes.com

About The Author