Swairro: Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay Xarunta Madaxtooyada

02 Marso 2019 (Puntlandes) Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda Federaalka ugu saraysa iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda.

Illaa 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay hareeraha iyo gudaha Madaxtooyada, waxaana saddex ka mid ah ay ku kala dhaceen Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, hal madfac ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo madfac kale oo madaxtooyada gudaheeda ku dhacay.

Sidoo kale Madfac kale ayaa ku dhacay dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo lagu kala cararay marka ay madaafiicda soo dheceen.

Madaafiicda ayaa u muuqday mid bartilmaameedkooda ku dhacay Madaxtooyada, marka loo eego goobaha uu khasaaraha gaarsiiyay oo ah xafiisyada hey’adaha dowladda.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa ku baxay goobaha laga soo tuuray madaafiicda oo ay ku sheegeen in dhanka Dayniile laga soo riday.

Lama oga khasaraha ka dhashay madaafiicda, waxaana dadka ku dhaqan nawaaxiga Madaxtooyada soo wajahay cabsi ku aadan madaafiicda soo dhacay.

Dhanka kale waxa xusid mudan in Alshabaab oo hoobiyayaal ku weeri jiray mararka qaar aysan horay ugu suurto geli jirin inay la hesho bartilmaameedkeeda laakiin ay madafiicdaasi ku dhici jireen xaafadaha u dhow marka laga reebo weerarkan kii ka horeeyey oo ay ku qaadeen xarunta UN-ka ee xalane taas oo ay la heleen, weerarka maantana wuxuu noqonayaa kii labaad.



Puntlandes.com

About The Author