Wasiirka Ganacsiga oo ka hadlay madaafiic hoobiyeyaal ku soo dhacay Xarunta Wasaaradda

02 Marso 2019 (Puntlandes) Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka hadlay madaafiic maanta ku soo dhacay Xarunta Wasaaradda oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay inuu jiro khasaare burbur oo soo gaaray mid ka mid ah xafiisyada Wasaaradda oo ku dhacay madfac hoobiye, isagoo xusay in aanu jirin khasaare nafeed.

“Kooxaha argagixisada iyo nabaddiidku dib uma celin karaan rajada aynu ka qabno in aynu helno Nabad iyo Nolol fiican, waxay doonayaan in ay rajo beel inaga dhigaan oo hakiyaan horumarka, Ganacsiga, Maalgashiga iyo yididiilada jirta, ka yeeli mayno waana la ciqaabi doonaa argagixisada insha allah”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Madaafiicda hoobiyeyaasha oo gaarayay ilaa shan ayaa ku kala dhacay gudaha iyo hareeraha Xarunta Madaxtooyada, waxaana madfac ka mid ah uu ku dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka madaafiicda ee ku qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, waana weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho labo maalin, kaddib weeraro ku bilowday qaraxyo oo habeenkii khamiistii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

Puntlandes.com

About The Author