War-Saxaafadeed: Galmudug oo sheegtay in Dowladd Federaalku Xalay Duullaan Ku Qabsatay Cadaado.

03 Marso 2019 (Puntlandes)  Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa War-Saxaafadeed kasoo saartay Ciidanka NISA iyo Danab oo xalay la wareegay gacan ku haynta xarunta madaxtooyada, iyadoo ku tlmaantay inay dawlada Federaalku duullaank ayu ku Qabsatay Cadaado.

War-Saxaafadeedka ayey Galmudug ku tiri “Ma aha in taag-darri loo qaato Dulqaadka iyo u turidda Dowladda Galmudug. Galmudug marna gorgortan kama galeyso amnigeeda iyo wadajirka deegannadeeda. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Galmdug meel kasta oo ay joogaan in ay nagu gacan-siiyaan difaaca deegaankooda iyo midnimada dowladdooda”

Galmudug ayaa ugu baaqday inay hubiyaan in taageerada ay siiso dawladda Federaalka in aan loo adeegsan in colaad dalka looga huriyo waxay Galmudug War-Saxaafadeedka ku tiri “Waxaan ugu baaqaynaa Beesha Caalamka in ay hubiyaan in aan taageerada ay Soomaaliya siiyaan loo adeegsan burburinta iyo colaad hurinta Soomaalida dhexdheeda”

Puntlandes.com

About The Author