Madaxweynayaasha Eritrea, Itoobiya & Kenya oo shir saddex geesood uga furmay Asmara, Isbaheysi cusub

03 Marso 2019 (Puntlandes) Madaxweynayaasha dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Kenya ayaa shir saddex geesood uga furmay magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea, iyadoo saddexdan dal ee Geeska Afrika ay sameynayaan isbaheysi cusub oo iskaashi ah.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa garoonka diyaaradaha Asmara si kala gaar gaar ah ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo labadaba ka soo duulay Addis Ababa.

Kulanka saddex geesoodka oo aan wax faah faahin laga bixin ayaa ah mid looga hadlayo arrimaha Gobolka iyo iskaashi dhex mara dalalkaas.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqasho qaadatay labo cisho ku tagay Addis Ababa, isagoo ka qeyb galay shir ganacsi oo u dhaxeeyay Kenya iyo Itoobiya oo ay goobjoog ka ahaa Ganacsato labada dal ah.

Isbahaysigii ay Soomaaliya ku jirtay ee Eritrea, Itoobiya & Soomaaliya?

Bartamihii sanadkii hore ayay aheyd markii sidan oo kale shir saddex geesood ay ku yeesheen magaalada Asmara Madaxda Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya oo lagu gaaray heshiis iskaashi iyo wax wada qabsi dhex mara saddexdaas dal.

Waxaa hadda muuq ata in meel la iska dhigay Isbahaysigii ay Soomaaliya ku jirtay ee Eritrea, Itoobiya & Soomaaliya, oo hadda ay  Eritrea iyo Itoobiya ay isbahaysi cusub la samaysteen Kenya oo uu xumaaday cilaaqaadka Soomaaliya ay la leedahay kadib markii ay sheegatay Badda Soomaaliya.

Isbahaysigii hore oo dalka Jabuuti banaanka la dhigay ayna raali ka noqotay dawladda Soomaaliya ayaa iminka waxaa banaanka la dhigay Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author