Sawiro: Raysul Wasaare ku xigeenka magacaaaban oo maanta soo gaaray Muqdisho

Raysul Wasaare ku xigeenka magacaaban ee dalka Mudane Maxamed Cumar carte oomaanta soo garay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah golaha Wasiirada dhawan la soo dhisay ee xukuumada Soomaaliya,Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka ,Maamulka gobolka Banaadir,Ururada bulshada rayidka , iyo Bar-baarta gashaman oo qaadayey erayo ay ku soo dhawaynayeen Raysul Wasaare ku xigeenka.

Mudane Maxamed Cumar Carte Raysul Wasareku xigeenka dalka oo warbaahinta kula hadalay qaybta nasashadda garoonka diyaraha magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn kaga mahad celiyey guud ahaan dadkii soo dhawyey sida ay ugu soo dhayen magaalada Muqdisho.

Raysul Wasaare ku xigeenka magacaaban ee dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaaa mudaniyaasha Barlamaanka Federalka Soomaaliya ugu baaqay in maalinta biro ah ay codka kalsoonid siyaan golaha wasiiradda uu soo dhisay Raysul Wasaaraha dalka isagoo tilmaamay in dowlada soomaaliya ay horyalaan howlo badan oo lagu hormarinayo dalka isla markaana dadka Soomaaliyeedaay doonayaanin lala yimaado wax qaabd dhab ah.

Hadalka Raysul Wasaare ku xigeenka ayaa imaanaysa iyadoo Maalinta bari ah oo ay tariikhdo ku beegan tahay 17 bishan Janaayo.
vlcsnap-2015-01-16-16h17m49s69

vlcsnap-2015-01-16-16h18m07s229

vlcsnap-2015-01-16-16h18m16s66

vlcsnap-2015-01-16-16h18m32s226

vlcsnap-2015-01-16-16h18m59s250

About The Author