Dowladda Puntland oo xirtay marsadii & suuqa ganacsiga kalluunka ee ku dhexyaallay dekedda Bosaso

03 Marso 2019 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa amartay, in gebi ahaanba la xiro, marsada gaadiidka iyo suuqa ganacsiga kalluunka ee ku dhexyaalla dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay, in nawaaxiga dekedda Boosaaso laga mamnuucay, dhammaan gaadiidkii kalluumeysiga ee ka shaqeyn jiray halkaasi, waxaana lagu wargeliyay in gaadiidka laga joojiyay aga’gaarka dekedda.

Marsada iyo suuqa Kalluunka ee magaalada Boosaaso ee ay Dowladda Puntland amartay in la xiro ayaa furneyd in ka badan 100 sano iyadoona amarkan lagu xirayo uu saameyn togan ku yeelanayo ganacsatada ka ganacsada Kalluunka iyo dhamaan dadka ku shaqada leh arimaha kalluumeysiga.

Go’aankan ayaa sida qoraalka ku xusan loo qaatay, si loo adkeeyo sugidda amniga dekedda, islamarkaana looga hortago wax kasta oo shaki gelin kara nabadgelyada, iyadoo la xasuustanyahay shilkii ka dhacay xarunta Necfish ee xaydaabka dekedda oo lagu dilay Paul Anthony Formosa madaxii shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso.

 

About The Author