Dawladda Profesor/Dr Gaas Maxay isku cabirtaa?

Sida la wada ogyahay Dawladaha dimuquraadiga ah marka ay is bedelaan oo midi mida kale baddasho waxaa jira siyaasado cad cad oo la ogyahay in ay dhaqan galinayaan xiliga xukuumadaasu talada hayso. Hadaynu  tusaale u soo qaadano xukuumadaha reer galbeedka, waxa inta badan lagu tilmaamaa xukuumad Dhinaca  bidixda u janjeerta ama dhinaca middigta. Xukuumada dhinaca bidixda waxaa inta badan ay isku tiriyaan hantiwadaagnimo (aan ahayn tan aynu Soomali ahaan naqaanay ee kacaankii maxamed Siyaad Barre) Balse ah in canshuurahana la kordhiyo siiba tan khusaysa shaqaalaha (Income tax) lacagaha Social Service-kana la badiyo. Waxaa hal ku dhagyo u ah cadaalad bulsho, sinaan iyo midnimo (solidarity, Social justice) iyo wax la mida.   Waxay inta badan sheegaan ama cadeeyaan waxa ay ku qabanayaan canshuuraha ay kordhiyeen ama kordhinayaan. Xukuumadaha  dhinaca Midigta u janjeera  waxay inta badan isku mashquuliyaan in la dhimo canshuuraha. Adeega bulshadana  xor loo siiyo dadku in ay ayagu xaq u yeeshaan in ay doortaan Adeega tayada leh ee ay rabaan, (nin waloowba tabartaa) oo laga dhigo qaab insurance oo kale ah. Waxaa inta badan hal ku dheg u ah xoriyada qofka uu ku samysan karo lacagtiisa waxa uu rabo, Freedom

Intaa kaliya ku ma eka ee waxaa jira waxyaabo kale oo ay ku kala duwan yihiin labadaas hab oo aanan halkan ku soo qaadanayn maadaama dulucda aan u socdaa aysan ahayn kuwaas.

Xukumadahaasi waxay ka simanyihiin hal mid oo ah in ay leeyihiin qorshe iyo yool ay u socdaan (Mission, vision and goals) .

Waxay kaloo leeyihiin qaab shaqo oo u hagaya meesha ay u socdaan iyo waxay qabanayaan (strategy).

Waxay leeyihiin  qaab iyo si ay u cabiraan in ay wadadii ku toosan yihiin KIPs (Key Performance Indicators )

Waxay kaloo ay leeyihiin qorshe ay ku saxaan haday hawsho gaabis gasho ama meel khaldan u weecato.

Xukuumada Profisor/Dr Gaas waxay u muuqataa mid u janjeera dhinaca bidixda, waxaynuna maqalaa cadaalada dadka lahayb sooco ku wajahan, waxaynu aragnaa chanshuur inta badan laga hadlayo oo meelkasta gashay, sida iskuuladii iyo Jaamacadihii. Mar dhawna u socota xarumiha caafimaadka.

Laakiin waxaa meesha ka maqan Wax qabadkii, yoolkii, qaabkii loogaari lahaa waxa ay ku qabtaan Canshuurtaas iyo waliba qaabkii loo cabiri lahaa.

Bal daa KPI eye waxay haystaan KRI (key result indicator) waliba khaldan oo meeshii minus-ka ahayd u bedelaya  plus, iyadoo loo wada jeedo in results ka soo baxay uu aad uliito buu wuxuu madaxweyne Profisor/Dr Gaas saacada ku xigta ku khudbaynayaa Barwaaqaa la gaaray  inta uu farta ku taaga Resalt-ga mnus-ka ah ee u soo baxday oo umadoo dhami ay minus aradto, isagoo iska indhatiraya xaqiiqda jirta??

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author