GAD: Al-shabaab ma awoodi doonto inay carqaladeeyaan imaanshaha Madaxweynaha Turkiga Recep Tayib Erdogan
Urur Goboleedka IGAD oo maanta war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Hotelka SYL, halkaasoo aheyd goobtii 10-kii bishan lagu qabtay Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab aanay awood u laheyn inay carqaladeeyaan horumarka Soomaaliya.
IGAD ayaa sheegtay in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay go’aansadeen inay dib u dhistaan dalkooda oo mudo ku soo jiray dagaal sokeeye,beesha caalamkuna ay la safan tahay Soomaalida midnimadooda.
“Al-Shabaab ma awoodi karaan inay carqaladeeyaan qaban qaabada iyo soo dhoweynta Madaxweynaha Turkiga Recep Tayib Erdogan uu ku imaanayo magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay IGAD.
Hadalkan ka soo yeeray IGAD ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalinta berri oo Axad ah la filayo in magaalada Muqdisho uu soo gaaro Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.
Puntlandes.com