Sawiro dheeraad ah: Garowe oo lagu soo dhaweeyey taliyihii horre Madaxtooyada Puntland

Cutubyo ka tirsan ciidanka dowlada Puntland ee Militery-ga iyo Saraakiishooda ayaa maanta barqanimadii si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Garowe Gaashaanle sarre Cumar Cabdulaahi Faroole ka dib markii uu soo dhameystay koorso waxbarasho oo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa 5 bilood ee lasoo dhaafay.

Soo dhaweynta loogu sameeyey Garoonka Diyaaradaha Garowe mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ayaa tilmaam ka bixinaysa saaxiibtinimada dhow ee ka dhaxaysa ciidamada dowlada Puntland.

Cumar Cabdulaahi oo ka bilihii u dambeeyey howlo waxbarasho u joogay dalalka Ethiopia iyo Kenya ayaa uga mahad celiyey dhamaan saraakiisha iyo ciidamada kusoo dhaweeyey maanta magaalada Garowe wuxuuna sidoo kale dhanbaal hambalyo ah u direy guusha ay ka gaareen ciidamada Puntland dagaalka ay kula galeen buuraha Galgala kooxaha Alshabab.

Gaashaanle sarre Cumar Cabdulaahi ayaa sheegey inuu qeyb ka noqon doono difaaca iyo ilaalinta xasiloonida ka jirta deegaanada Puntland, Isagoona codsi ugu jeediyey qeybaha bulshadu inay ku gacansiiyaan maamulka iyo ciidamada sidii loo sugi lahaa nabadgalyada dalka.

Col Cumar Cabdulaahi ayaa horey usoo noqday Taliyihii Ciidamada Madaxtooyadda Puntland, Sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horeeyey oo safka hore kaga jiray dagaalkii adkaa ee ku dhex marey Puntland iyo Alshabab  buuraha Galgala sanadihii 2010 ilaa 2012 ka dib markii lagu guulaystey inay soo afjarto dowlada Puntland.

Daawo soo dhaweynta maanta loogu Sameeyey Garowe G/Sare Cumar Cabdulaahi Faroole.
1494

1493

1492

1491

1490

1489

1488

1487

1486

1485

1484

1483

1482

1481

1480

1479

 

Puntlandes.com

About The Author