Madaxweyne Turkiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde

Madaxweynaha dalka Turkgia Recep Tayyip Erdoğan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdiho, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda sare ee DFS.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Recep Tayyip Erdoğan ayaa salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka DFS, waxaana kooxda baambeyga Muusikada ay u astaanta calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo kan Turkiga.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay xariga ka jaraan Terminal-ka cusub ee ay Shirkad Turkiga ah ka hirgelisay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo Shirkad kale oo iyaduna isbitaalka caanka ahaa ee la oran jiray Digfeer kaasoo hada ay magaca ka bedeshay Shirkadaas Burburisay iyadoo bedelkiisii dhistay mid aad iyo aad uga yar Isbitaalkii Digfeer.

Waxaa kaloo xusid mudan in Goobihii dadka ka wada dhexeeyey ee dawladu ay lahayd ee muhiimka ahaa sida Airport, Dekad, Isbitaalo iyo Iskuulaad aad iyo aad u farabadan lagu wareejiyey Shirkado Turki ah kuwaas oo iska leh maamulana.

Puntlandes.com

About The Author