PUNTLAND OO XIRIIRKII WADA SHAQEYNTA U JARTAY DOWLADDA FEDERAALKA SOOMALIYA
27 May 2019 (Puntlandes) Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay, guud ahaan wada-shaqeyntii kala dhexasyay dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac.
Qoraal afka English ku qoran oo dawladda Puntland u dirtay Beesha caalamka iyo dalalka daneeya Soomaaliya, ayay ku sheegtay in ay joojisay dhamman arrimihii ay ka wada-shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya sida:
1- Dib u-eegista Dastuurka
2- Qorshaha amniga Qaranka
3- Hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021
Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqoonsan doonin, dhammaan shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyi kuwa horyaala si ay u ansixiyaan, kuwaas oo aan lagala tashan waxayna kala yihiin;
1- Sharciga doorashooyinka
2- Sharciga shidaalka
3- Sharciga canshuuraha dalka
4- Sharciga qaybsiga khayraad Kalluunka
5- Sharciga Macdanta
6- Sharciga duulimaadyada (hawada)
Qoraalka ay Puntland soo saartay oo dheer ayaa looga sheekeeyay shirkii fashilmay ee Garoowe, waxaana Puntand ugu baaqday dowladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada dalka in shirar kale lagu kulmo, si heshiis looga gaaro qodobada salka u ah khilaafka labada dhinac.
Dhinaca kale xukuumadda Puntland, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorrisay in ay Dastuurka ku dhaqanto oo ilaaliso heshiisyadii ay hore ula gashay dowlad goboleedyada ee dhigayay in laga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, islamarkaana ay joojiso shuruucda iyo xeerarka aan laga wada-tashan ee ay Baarlamanka horgeynayso.
Dowlad goboleedyada ayey sidoo kale u soojeedisay, in ay adkeeyan iskaashiga, wada-shaqeynta iyo xoojinta xiriirka dhexdooda ah, iyadoo ku boorrisay in si joogto ah loo qabto shirarka ku saabsan iskaashiga iyo wax wada-qabsiga dowlad goboleedyada dalka.
Hadalka Puntland ayaa u muuqday mid inta badan dhaliilalaya hannaanka ay dalka u hoggaaminayso xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Puntland ku eedaysay tanaasul la’aan iyo maroorsi awoodeed.
halkaan ka akhriso qoraalka oo af English ku qoran: Puntland Government suspends all cooperation with the Federal Government of Somalia
Puntlandes.com