Daawo Video: Somaliland oo sheegtay inay Maxkamadeynayan Ciidamadi & Puntland ku biiray
31 May 2019 (Puntlandes) Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay Maxkamad soo taagi doonaan Ciidankii ee fadhigiisu ahaa gobolka Sanaag ka baxay Somaliland kuna biiray Puntland.
Wasiirka wasaarada gaashaandhiga oo saxaafadda ku kula hadlay Hargaysa ayaa ku dhawaaqay inay dambiilayaal yihiin lana maxkamadayn doono.
Dhanka kale wasiirka ayaa caddeeyey Maxaabiistii ay kala haysteen Somaliland iyo Puntland ee dagaalkii Tukaraq in lagula kala wareegayo heshiis ay garwadeen ka tahay ICRC.
Madaxtooyadda Somaliland ayaa horay u sheegtay in madxaweyne Muuse Biixi cafis Ramadaan u fidiyey Maxaabiistii ay Puntland ka hayeen iyadoo inkirtay in maxaabiis la is waydaarsanayo, faahfaahin iyo muuqaal halkan ka akhriso.
Daawo waraysiga ewasiirka Gaashaandhiga
Puntlandes