TAARIIKHDU IYADAA DIB ISKU QORTA WAXAYNA INA XASUUSINAYSAA KAMPALA ACCORD & FARMAAJO!!!
Mahdi Yuusuf Dhuux ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ku sheegay in madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliaya Maxame Cabdulaahi Farmaajo uu u xuubsiibtay Kaligiistaliye.
Mahdi Yuusuf Dhuux ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay taariikhdu dib isku qorto ayna hada ina xasuusinayso Kampala Accord iyo Farmaajo, isagoo farta ku goday inay muuqato saansaan la mid ah tii ay ku timid Kampala Accord kadib markuu Farmaajo noqday Kaligiistaliye.
Hoos ka aqriso qoraal uu Mahdi Yuusuf Dhuux soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay:
FARMAAJO & SHALAY
Heshiiska caanka ahaa, Kampala accord, ee dawladda Soomaaliya looga saaray KMG waxaa qalinka lagu duugay, 9kii Juun 2011kii, waxaana si wadajir ah u saxiixay Madaxweynihii dawladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan.
Waxaa kale oo markhaati ahaan u saxiixay madaxweynaha dalka Uganda Museveni iyo Ergaygii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay qaabilsanaa Soomaaliya Augustine Mahiga, waxaana lagu saxiixay magaalada Kampala ee caasimada Uganda.
Ra’iisul Wasaaraha dawladii KMG ahayd waxaa ahaa Maxamed C/laahi Farmaajo oo Bishii okt, 31dii 2010-kii ay Baarlamaanku ansixiyeen inuu noqdo RW dalka.
Farmaajo waxa looga yeeray Kampala si loola socodsiiyo heshiiska Kampala oo dhigayey inuu xilka baneeyo Farmaajo, uuna madaxweynuhu soo magacaabo RW cusub mudo 30 cisho oo ka bilaamanaysa markii la saxiixay oo ahayd 9kii Juun 2011kii.
Farmaajo Kampala wuxuu sheegay inuu aqbalay laakiin markii uu Muqdisho ku noqday wuxuu ku dhaaqay 14kii Juun 2011 inuu isagoo tixgelinaya “rabitaanka shacabka” uusan aqbalayn Kampala accord xilkana ka dagayn.
Farmaajo ayaa lagu qasbay shan cisho oo kaliya kadib 19-kii bishii Juun 2011 inuu xilka iska casilo, isagoo mar kale sheegay inuu taas u sameeyey markuu eegay danta dadka iyo dalka.
Farmaajo wuxuu noqday taariikhda Soomaaliya Ra’iisul wasaarihii u horeeyey ee shir lagu go’aamiyo in xilka laga qaado, taas oo uu ku kasbaday 2011kii kadib markii uu diiday wadatashigii lagu waday dawlad dhisidii Soomaaliya uuna is mooday Kaligiistaliye.
FARMAAJO & MAANTA
Farmaajo ayaa waxa Barlaamka Soomaliya u doorteen madaxweynaha Soomaaliya feb 2017dii, isagoo isla bishaas Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 01da Juun 2019ka wali way wadashaqaynayaan taas oo aan looga baran dawladihii ka horeeyey, waxaana sabab u ah Khayre oo ku shaqeeya amarka iyo rabitaanka Farmaajo.
Farmaajo wuxuu af-duubtay taladii dalka isagoo diiday doorkii dawlad gobleedyada dalka iyo siyaasiyiinta, wuxuuna Muqdisho ka mabnuuceen in shirar siyaasadeed lagu qabto. Farmaajo wuxuu u xuubsiibtay Kaligiistaliye aad moodo inuu dalka xoog ku haysto.
Shacabka Muqdisho ayaa dawladda kala kulmay caburin iyo cagajuglayn, iyadoo Villa Somalia ay baraha bulshada ka hawlgelisay dhalinyaro af-lagaadeeya siyaasigii ama shaqsigii dhaha wado qaldan ayuu dalka ku wadaa Farmaajo.
MAGACAABISTA AMBASSADOR JAMES C. SWAN
Ambassador James C. Swan oo uu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay ergaygiisa Soomaaliya u qaabilsan waa ruugcadaa aad ula socda xaaladda Soomaaliya, wuxuuna soo ahaa Wakiilka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya August 2011 ilaa 2013.
Waxa uu la shaqo bilaabay dawladdii cusbayd ee lagu bedelay tii RW Farmaajo oo uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa Dr Cabdiweli Mahamaed Cali Gaas, waxa uuna keenay siyaasaddii caanka ahayd ee Dual Track policy ee Soomaaliya loola dhaqmayey.
Magacaabistiisa ayaa ku soo aadaysa iyadoo aysan jirin ama liidato Xiriirka dawlad goboleedyada dalka iyo Villa Somalia, taas oo keentay inuu dalku galo mugdi aad u xun oo halisna ku ah dib usoo celintii dawladnimada Soomaaliya.
Labo ka mid ah dawlad goboleedyada dalka waxay Villa Somalia u jareen xiriirkii wado shaqaynta, halka labo kalena la filayo inay maalinta Ciida ku dhawaaqaan inay Xiriirka u jareen Villa Somalia.
Somaliland horay ayey u maqnayd, waxa u haray Villa Somalia waa gobolka Banaadir oo u af-duuban Villa Somalia, waxayna dhibaataynayaan cantuurta ay ka qaadaan gobolka Banaadir isla gobolka iyo Soomaalida kale.
Magacaabista James C. Swan waxay ka dhigan tahay in Farmaajo Villa Somalia ay biyo ugu soo galeen,waxaana lagu soo xulay inuu yahay nin ka bixi kara Soomaliya inuu gaarsiiyo doorasho loo dhan yahay 2021ka, casharna u dhigo wiilasha Nabad iyo Nolol la baxay kuna sifoobay kaligiistalisnimo.
Hoos ka akhriso heshiiskii Kampala Accord:
Mahdi Yuusuf Dhuux