Xukuumadda Soomaaliya oo dardar gelineysa Qorshaheeda Shidaal Soo saarida

03 June 2019 (Puntlandes) Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sii xoojisay ololaheeda ku aadan qorshaha soo saarida Shidaalka Soomaaliya, kaddib markii dhowaan ay ansixiyeen Baarlamaanka Sharciga Batroolka.

Qorshahan ayaa ku bilowday Website ay Shirkadda Spectrum Geo Ltd oo hawada soo galay, kaasoo lagu soo bandhigayo xogaha shidaalka, iyadoo lagu daabacay Anisixntii Golaha Baarlamaanka ee Sharciga Batroolka.

Website-kan cusub ayaa loo sameeyay jadwalka Tartanka loo galayo ku guuleysiga soo saarida shidaalka, waxaana la shaacin doona 9 December ee sanadkan cida ku guuleysata, iyadoo lagu soo bandhigay website-ka loo sameeyay arrimaha shidaalka iyo xogtiisa

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan la qaban doono labo shir oo lagu soo bandhigayo xogta Batroolka Soomaaliya, kaasoo ka kala dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga iyo magaalada Houston ee dalka Mareykanka. Labada Shir ayaa waxaa ka qeyb geli doona shirkadaha waaweyn ee Shidaalka baara ee laga leeyahay Aasiya iyo Mareykanka.

Shirarkan ayaa markii u horeysay lagu bixin doonaa qandaraasyada Shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha sahanka laga sameeyay ee la soo bandhigay xogahooda, waxaana shatiga ama qandaraaska la bixin doono uu yahay goobaha horay looga sahmiyay shidaalka ee ku teedsan dhulka Badda inta u dhaxeysa Kismaayo illaa Gobolka Mudug.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay dardar gelineyso ololaheeda la xiriira bixinta qandaraasyada shidaal soo saarida oo Tartan loo galayo, ayaa waxaa hadana jira in maamul goboleedyada ay ka soo horjeesteen sharciga shidaalka ee ay dhowaan ansixiyeen Baarlamaanka, waxaana si aad ah isha loogu hayaa shirarka ka dhici doono Turkiga iyo Mareykanka ee ujeedkiisa ugu weyn yahay in lagu soo bandhigo xogta Batroolka, lana bilaabi doono in Shirkadaha waa weyn ee Shidaalka baara inay Tartan u geli doonaan.

Bishii February ee sanadkan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Spectrum ay London ku soo bandhigay sahankii lagu sameeyay Badda ee la sheegay goobaha laga helay Shidaalka oo ah dhulka Badda.

Puntlandes.com

About The Author