Kenya oo ka mamnuucday Dalkeeda 66 Qof oo Somali oo ay Ku jiraan Masuuliyiin
05 June 2019 (Puntlandes) Wargays kasoo baxa dalka Kenya ee lagu magaabo Standard ayaa warbixin uu maanta daabacay waxaa uu ku sheegay in dowladda Kenya ay dalkeeda ka mamnuucday inay soo galaan 66 qof oo Soomaali ah oo ay ku jiraan masuuliyiin Sarsare ee Dowladda Federaalka Ka Tirsan.
Wargayska oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in shakhsiyaadka liiska ku jira ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Federaalka, Xildhibaano, mid ka mid ah Ra’isul Wasaarayaashii hore iyo Ku-xigeenka hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed Fahad Yaasiin iyo sidoo kale madaxda shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya
Fahad Yaasiin ayaa ah nin aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo ah ragga saamaynta ku leh madaxweynaha.
Puntlandes.com