Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo kala hadlay Safiirka Shiinaha Somalia heshiisyo
16 June 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China Qin Jian, maalintii shalay oo Sabti ahayd kuna beegnayd 15 June,
Kulanka ayaa waxa ay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga/heshiisyada u dhexeeya labada dal oo ay ku jirto ganacsiga, maalgeshiga, is-dhaafsiga khibradaha iyo tiknoloojiyadaha la oggolyahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada.
Puntlandes.com