Siyaasadda Soomaalidu waa Beenna kusoo xero geli beenna ku dhaq WQ Saliid
Waxba kaamay dhinteen, haday ahaan lahayd RUNNA ku dhaq!
Siyaasadi, waa maaraynta nolosha bulsho ku dhaqan goob cayiman sida Tuula, Degmo, Gobol iyo Dal.
Kolka laga hadlayo siyaasad, waxaa loo kala saaraa qaybo kala duwan oo uu xiriir ka dhexeeyo. kuwaasoo kala ah, Shaqada ay dawladi qabato, Dadka haya jagooyinka awoodda dawladeed iyo mabaadiida dadkaa haya jagada iyo kuwa mucaaradaka ku ahba, middaasoo ah habka ay tahay in Dal loo maamulo.
Umadaha ilbaxa ahi iyagoo aragti ahaan ama mabda ahaan ku kala gedisan, sida ay tahay in wax loo maamulo ayey hadana waxay ka siman yihiin hal arrin oo ah.
In balaayiinta lacagta ah ee dadka canshuur ahaan looga qaado lagu bixiyo, horumarinta adeegga bulshada iyo hawlaha ay tahay inay xalliyaan dhibaatooyinka wajahaya bulshadaas iyo waliba kor u qaadidda tayada nololeed ee muwaadiniintooda.
Kolka loo barbar dhigo Soomaaliya oo ay Siyaasaddu tahay wax ay koox ama ashkhaasi bariiska iyo qutul yoonka caruurtooda ka raadsadaan, halka ay qaar kalena ku boobaan hantida bulshada ayaa waxay heleen tabo ay uga dhaadhiciyaan bulshada dulmanaha u ah damacaas waalan, inay ayagu yihiin kuwii ugu haboonaa ee hagi lahaa noloshooda.
Waxaa caado noqotay kolkaa, erayada ah, ma haysaa mid dhaama, waa kii ugu roonaa, yeynu ku bedelaan, waqti ha la siiyo, waa soo wataaye bal haloo yara kaadiyo iwm. Ayadoo ay ka muuqato aragtidaan in la kala dooranayo laba shay oo la ogyahay inay xunyihiin (Kii waxyeelo yar!!).
Eegna bulshadaas oo aan kolkii horeba cidi wax ka waydiin, sida ay tahay in loo maamulo iyo cidda ay tahay inay u ilaaliso inuu maamulkaasu yahay mid haya hawshii loo igmaday. Sida Baarlamaan ay doorteen iyo kaas oo u shaqaynaya una xisaabtamaya si dhab ah. Sida xisaab cad “Transparent”, waafaqsan sharciga kuna qotonta siyaasad la fahmi karo, iyadoo weliba la garanayo go´aan gaariddu halka ay salka ku hayso.
Waxaa caado u ah siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaalida inay mashaariic been ah oo rajo gelin ah maalinba meel ka dhagax dhigaan. Waa rajadaas mida keenta in bulshada qaar dhab u qaataan inuu wax usoo wado kuwaasoo ku dooda “Fursad ha la siiyo” iyo “ waa uu dedaalayaaye inagaa lugaha ku dhegen”
Odaybaa waxaa laga sheegay inuu yiri, “Madaxweyne, yeysan dhagxaantu faraha ku murxin cidi ku dooranmaysee” intay malaha soo kartay dhagax dhiggii beenta ahaa.
Qolada Xamar ka Talisa ee la baxay N&N iyaga waxoodu waa dhaaftay Fara-murxin illeen maba haystaan meel ay fara isku murxiyaane (iyagu waxay isticmaalaan xayeysiin social media ay kharash farabadan u qoondeeyeen) oo waa u egyahay madaxweyne qaran, waa cod kar iyo madaxda caalamka ayuu u socod egyahay ayey xaajadoodu kusoo urudhaye, bal aynu yara eegno xukuumadda Puntland.
Ballan qaadkii madaxweynaha waxaa ka mid ahaa, inuu hir gelin doono sannadda u horraysa nidaamkii axsaabta badan iyo dimoqoraadiyeynta.
Iyadoo kolkaa ay ahayd in la hawl geliyo guddigii doorashada, oo kolkaa loogu daro miisaaniyaddii la ansixiyey (oo ay ka maqnayd) qoondo. In la dhiso maxkamaddii dastuuriga ahayd iyo inay guddigu shaqo galo, ayaa! illen, arrini waa beenna ku xero geli, beenna ku dhaq´e ayaa waxaa meel fagaare ah ka khudbeeyey wasiirkiisa Arimaha Gudaha. Wuxuuna iclaamiyey inay 3 Degmo ka hirgelin doonaan doorasho qof iyo cod ah!!! oo tijaabo ah bisha September!!!!!!.
Sheekadaas ayaa hadana madaxweynuhu ku celiyey intii uusan aadin safarkiisii China asagoo ku raacay aragtidaas., hadana waxa uu si cad u sheegay khudbadiidiisii furitaanka Kalfadhiga golaha Wakiilada Puntland.
Ma aha halkii hayaanka loo ahaa ee nidaamka axsaabta badan mana aha sida ay sheegeen kii hore ee qabaa´ilka ee waa mashruuc u gaar ah oo aan nidaamna waafaqsanayn, soconahayna hadayan arrini ahayn sanduuq warqado ay madaxweynaha iyo wasiirkiisu inta magacyo ay ayagu soo qorteen kasoo buuxsaneyn oo ayan kolkaa oronayn 99,9% ayaa u codays Maxamed Siyaad Barre.
Haddii nidaam la raacayo, xaajo ma aha, sida ay aniga igula qumantahay ama iigu badiso ayaan yeelin.
“Ukunta iyo Digaagadda kee horreeyey” Doorashada xukuumaddan ee QOF IYO CODKA AH iyo Axsaabta in la soo saaro toloow keebaa horreyn? Xamar ayaaba ka nidaam roon, say waxay qorteen sharci oranaya xildhibaanada oo dhan Ceelgaab halaga doorto.
Waxaa kale oo jirtey inay roobabkii da´ay gooyeen wadada. Halkii laga leexin lahaa marin ku meel gaar ah, inta la qorshaynayo dayactir dhab ah, ayey inta wasiirro, agaasimeyaal iyo madaxweyne ku xigeenku baabuur badan is daba geliyeen iyo dhawr cagaf iyagoo hore usii kaxaystay wixii saxaafad ka jirtey Dalka ayey ciid ku shubeen meeshii go´day. Eeg muuqaalka lasoo bandhigay gaadiid iyo dadba waxay qabteen hawl (Nooc yaab badan ah) oo ay hal Cagaf iyo hal iskarogo ku fillaayeen (Xaajo waa is muujin iyo been ku dhaqe) ayey yiraahdeen WAANU FURNAY!
kolka dadkii wax iska weydiiyeen arrinka yaabka badan, ayey ku jawaabeen inuu yahay, kumeel gaar oo INTA DHULKA KALE KA QALALAYO!!!! (Haddii ciida lagu shubo waa qalalilahayde, hadalkaa halkaa la maray) kolkaa baa ciidda dib looga gurin oo gaadiidka laga leexin oo markaa dayac tir rasmi ah loo samayn (Waaba haday dib danbe ugusoo laabtaane).
Riwaayad ayaa waxaa ku jirtey weedh ahayd “ waa garanayaa oo wadadaydii qodxaha badnayd” gebo gebo ahaan waxaad moodaa in kooxdii ama qofkii yimaada siyaasadda Soomaalida uu kasii anbo-qaadayo halkii uu wax mariyey kii asaga ka horreeyey ee ahayd, beenna ku xero geli beena ku dhaq.
Shacabkuna muddo 30 sano ah ayey sugayaan, Bal beenba ha ku yimaadee inuu runta wax ku dhaqo oo runtaa la bilaabay la wada toos_toosinteeda. Balse waxaysan ogeyn inaanay marna Hal xaaraan ahi, Nirig Xalaal ah dhalayn.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com