DHABACAD OO DIIDAY INAY KU HAKADAAN BURSAALAX WAFDI UU HOGAAMINAYEY

16 June 2019 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland isla markaasna ah gudoomiyaha Gudiga Dib u habaynta Hay’adaha Dowlada ee gobolka Mudug Maxamed C/raxmaan Dhabancad iyo wadfi uu hogaaminyey ayaa booqday, jimcihii oo ay taariikhdu ahayd 14ka June, Kastamka Tuur-Dibi ee degmada Galdogob.

Wafdiga ayaa waxay sii mareen una qorshaysnayd inay booqdaan oo ku hakadaan magaalada Bursaalax, laakin waxay Warbaahinta Puntlandes ogaatay in wasiir Dhabancad oo ah gudoomiyaha guddiga uu u diiday wafdi inay ku hakadaan degmada Bursaalax.

Shacabka degmada Bursaalax ayaa aad ula yaabay hab-dhaqanka wasiirka iyo sababta ku kaliftay inuu diido Bursaalax.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Xasan Shir Abgaal, xubno kale oo guddiga ka tirsan iyo maamulka gobolka Mudug.

Puntlandes.com

About The Author