GUDDOOMIYAHA DEGMADA BUURTINLE OO XILKA LAGA QAADAYO, KANA SIIB KANA SAAR
17 June 2019 (Puntlandes) Golaha degaanka demada Buurtinle oo ka kooban 23 xubnood ayaa ayaa waxay wasaaradda Arimaha gudaha dawladda Puntland waxay abaabushay inay xilka ka qaadaaan guddoomiyaha degmada Maxamed maxamuud Axmed (Buur-dibi).
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo gadaal ka riixayey mooshin xilka loo qaadayo Buur-dibi ayaa sida qorshaysan furi doona kal-fadhiga golaha degaanka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.
Horay wasiir Dhabancad waxa uu xilka ka qaaday gudoomiyhii hore ee degmada Gaalkacyo Nabadoon Yaasiin cabdisamad, isagoo ku eedeeyey inuu taageeri jiray madaxweyne Gaas.
Puntlandes.com