Maxkamadda Gobolka Banaadir oo burisay dacwad ka taalay Wasiir ka tirsan Jubbaland

27 June 2019 (Puntlandes) Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa burisay amar soo qabasho iyo horkeenid Maxkamadeed oo ay ka taallay Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid oo sanadkii 2015 Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka uu dacwad ku soo oogay.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ku taariikhsan 30-ka bishii 4aad ee sanadkan ayaa lagu sheegay in Maxkamadda ay burisay amar soo qabasho ah iyo horkeenid Maxkamadeed oo horay u soo baxday, waxaana lagu faray Hoggaanka Baarista Dambiyada CID inay xiraan gal dacwadeedka.

Go’aanka maxkamadeed ayaa ku soo beegmay, iyadoo uu shalay soo gaaray magaalada Muqdisho Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo marti u ah dowladda Federaalka.

Sidoo kale go’aankan ayaa u muuqda olole siyaasadeed oo ay dowladda Federaalka ku dooneyso inay ku kasbato shaqsiyaadka saameynta ku leh Jubbaland, isla markaana awoodda ugu badan ku bixiso sidii Axmed Madoobe meesha ugu saari laheyd.

Akhriso qoraalka

Puntlandes.com

About The Author