Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo gaadiid ku wareejiyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug (muuqaalo)
27 June 2019 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa gaadiid loogu tala galay in ay adeeg sadaan shaqaalaha Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ku warareejiyay Xisaabiyaha Wasaaradda Gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesay.
Wareejinta Gaadiidkan Wasiirka Maaliyadda waxaa ku weheliyay Agaasimaha Guuud ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdirisaaq Xasan Maxamed
Gadista Gaadiidkan ayaa timi kadib markii dhowaan Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi uu safar shaqo ku tagay Gobolka Mudug soona arkay baahiyo kala duwan dhanka Gaadiidkuna ka mid yihiin.
Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesay Gaadiidka lagu waree jiyay ayaa kala ah Hilux iyo Borbox looguna tala galay Gaalkacyo iyo Galdogob.
Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in madaxda Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug looga baahan yahay dakhliga oo ay kor uqadaan
dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa ka hadlay hawl galkii uu ku dhaawac may Taliyahii Ciidamada ilaalinta Cashuuraha Gobolka Mudug waxana uu sheegay in dadkii ka dambeeyay in dhowaan Maxkamad lakeeni doono, hoos ka daawo Xisaabiyaha oo faahfaahinaya hawl galka.
Mudane Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa Maamulka Gobolka Mudug iyo Taliska Booliska uga mahad celiyay sida ula shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda.