XOG: Wax ogow Saraakiisha diiday & ugu dambayn Taliyaha uu magacaabayo Deni

28 June 2019 (Puntlandes) Ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ayaa ahaa Taliyer la’aan laga soo bilaabo 12kii Marso 2019ka, markaas oo uu is casilay Taliyihii hore ee Ciidanka daraawiishta  Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan magacaabin Taliye cusub 3 bilood iyo bar, isagoo sheegay inuu baadigoob ugu jiro Taliye cusub.

WAA KUMA TALIYAHA UU DOONAYAA DENI?

Madaxweyne Deni ayaa doon doonayey sida ay Warbaahinta Puntlandes XOG ku heshay Taliye Caano ma daadshe ah una dhago nugul mulkiilayaasha dawladda Deni ee kooxda Aaran Jaan. Waxaa kale oo sharuuudaha ka mid ah Taliye lacag badan ka beekhaamiya Ciidankana cunahana qabta, iyadoo dhaqaalaha Ciidanka ay il gaar ah ku eegayso kooxda Aaran Jaan.

WAA KUWAMA TALIYAYAASHA DIIDAY INAY QABTAAN XILKAAS?

Madaxweyne Deni ayaa kullan la qaatay waxgarad ka tirsan Beesha Cumar Maxamuud, isagoo ka codsaday inay Beesha kala baadi goobaan Taliye, waxayna usoo jeediyeen Gen Cawil Dhiig-sokeeye.

Cawil ayaa ku wargeliyey Deni inuu qabanayo xilkaas haddii uu balan qaadayo inuu u madax banaanayo maamulka Ciidanka iyo dhisidiisa, taas oo ku cuslaatay madaxweyne Deni sida aanu kasoo xiganay ilo xo-ogaal ah.

Deni ayaa ku wargeliyey Cawil inuu sii wadanayo baadi goobkiisa uu ugu jiro Taliye cusub oo dhago nugul.

Madaxweyne Deni ayaa kullan kale la yeeshay Taliyihii hore ee is casilay Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen, isagoo mar kale ka codsday inuu xilkii uu dib u qabto. Sidoo kale ayuu C/shukri ku xiray qabashada xilkaas sharuud ah in uu u madax banaanaado maamulka Ciidanka iyo dhisidiisa, taas oo ku cuslaatay madaxweyne Deni uuna ku gacansayray.


WAA KUMA TALIYA CUSUB EE UU SOO WADAA DENI?

Warbaahinta Puntlandes ayaa XOG ku heshay in Madaxweyne Deni  uu go’aansaday inuu magacaabo Taliyihii ay doonaysay kooxda Aaran Jaan, kaas oo lagu magacaabo col. Yaasiin Cumar Dheere.

Taliyaha cusub ninka loo wado Yaasiin Cumar Dheere ayaa ka soo jeeda Beesha Cismaan Maxamuud/Bah Dhulbahante, iyagoo Deni isla ah Jifo hoose yihiin.

Col. Yaasiin waa nin dadka yaqaana ay ku tilmaameen inuu yahay nin jilicsan, si toos ahna u qaadanaya amarka milkiilayaasha dawladda Deni ee kooxda Aaran Jaan.

Magacaabistaan iyo hunguriga kooxda Aaran Jaan waxay banaanka keenayaan in uu ku fashilmay madaxweyne Deni balanqaadkiisii doorashada ee ahaa inuu dhisayo Ciidan talo leh.

Puntlandes.com

About The Author