Odayaasha Cadaado oo hor yimid heshiiskii DF & Ahlu-Sunna ee ku dhawaaqay Kheyre

Kulan ay Magaalada Cadaado Maanta ku yeesheen Odayaasha iyo Waxgaradka magaaladaas ayaa waxay uga soo horjeesteen hadalkii Ra’iisul Wasaare Khayre ee ahaa in gogosha shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu dhigayo magaalada Dhuusamareeb, halkan ka daawo.

Madax-dhaqameedka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan hadalkii Khayre xalay jeediyay ee ku aaddanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay labaduba ka dhici doonaan magaalada Dhuusamareeb.

Odoyaasha ayaa Khayre ku eedeeyay in uu ku ballan-furay, kadib markii sida ay sheegeen uu dhammaan awoodihii maamulka Galmudug u raray magaalada Dhuusamareeb, isla markaana uu ka dhabayn waayay hadalkiisi ahaa in Galmudug loo dhanyahay uu wax ka dhisayo.

Odayaasha ayaa magaaladda Dhuusamareeb ku tilmaayay meel niman isbaaro u taalo aysana yeeli doonin in ay ka qayb galaan Doorasho ka dhacda magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hadalkaan ayaa Imaanaya Saacado uun ka dib markii Khayre uu Dhuusamareeb ka sheegay in ay ka furmi doonto Gogol dhib u heshiisiin ah oo lagu lagu heshiisiinaayo Beelaha Galmudug ayna ka dhici doonto Doorasha Maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay sheegay in markii uu kasoo  tegayay Magalada Muqdisho ay dad badan kula taliyeen in uusan tegin Galmudug, isla markaana wax xal ah ka gaareen, hayeeshee taasi ay haatan muuqato.

Puntlandes.com

About The Author