RW Khayre oo dhawaaway in Dhuusamareeb ay taalo gogosha Nabada & doorashada Galmudug na ka dhacayso

01 July 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb inay ka furan tahay gogosha dib u heshiisiinta, ayna ka dhici doonto doorashada Madaxda Galmudug.

Isagoo jeedinayay khudbadda munaasabadda 1-da Luulyo ee 59-sano guurada ka soo wareegatay markii Gobolada Koofureed Xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo is raacii waqooyi iyo Koofur ayuu sheegay wixii berri ka dambeeya amniga Dhuusamareeb la wareegayaan Hey’addaha Amniga dowladda Federaalka.

“”Hay’adaha Amniga Dowladda Federalka ah waa in laga bilaabo beri u diyaar garoobaan sugida Amniga Caasimadda Galmudug, Ciidama Ahlusuna ee aan ognahay kana dharagsanahay Juhdigii aay galiyeen nabadda ka jirta deegaanadaan, waa ineey u diyaar garoobaan laga bilaabo bari in la qarameeyo oo tababar loo furo” Ra’iisul Wasaare Kheyre.


Puntlandes.com

About The Author