Sawirro: Taliyaasha Ciidammada dalka oo gaaray Dhuusamareeb
02 July 2019 (Puntlandes) Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa gaaray Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Generaal Indhoqarshe, Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Ameeriko, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Bashiir Goobe, Taliyaha Hey,ada Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle sare Maxamed Aden Jincaale Koofi iyo Saraakiil sare sare oo ka tirsan Hey,ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Taliyaasha oo ay la socdaan guddiga isku dhafka ciidanka qalabka sida oo hormuud uu u yahay wasiiru dowlalaha difaaca ayaa socdaalkoodu salka ku hayaa fulinta amarkii Ra’iisul wasaaraha dalka oo ahaa in la qarameeyo ciidamada Ahlusunna iyo in laamaha amniga heer federaal laga howl geliyo Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amar ku siiyey in laamaha Taliyayaasha Ciidamada dalka sida ugu dhaqsaha badan ay uga howl galaan caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug si loo dhamaystiro qorshaha qarameynta ciidanka Ahlusunna looguna diyaar garoobo xoreynta deegaannada Galmudug ay Shabaabku uga suganyihiin.