Sawirro: Galkacyo oo lagu sagootiyey Guddiyadii xaqiiqa raadinta dadkii lagu dilay konfurta Gaalkacyo (muuqaal)
02 July 2019 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, Gudoomiye ku Xigeenka 2aad ee Gobolkq Mudug Maxamed Xassan Walloore iyo Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalaa Gaalkacyo ku Sagootiyey Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka DFS ahaana Gudi loosoo Magacabay Xalinta shaqaaqadii ka Dhacday Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Madasha ka Hadlay ayaa Sheegay in dhacdadii ka dhacday Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ay ka Xunyihiin Shacabka Gobolka Mudug iyo Dhamaan Soomaaliwayn kana Midaysanyiin waxi arinkaa ku saabsan oo looga Baahdo maamul ahaan.
Gudoomiyaha gudiga Xalinta shaqaaqadii ka dhacday Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo soo Xiray Khudbada ayaa uga mahadceliyey Maamulada Gobolka Mudug Puntland iyo Galmudug Doorkii ay ka qaateen Dhacdadii Foosha Xumayd ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ka dhacday iyo sidii ay Gudiga ua shaqeeyeen sidookale Gudoomiyha Gudiga ayaa Sheegay in labada Maamul Gobol ay ka aqbaleen Qodobo Gudigu soos aaren.