Sawirro: Gaalkacyo ganacsatada ku sugan oo loo qabtay Tababarkii qaadashada lambarka Cashuur bixiyaha

02 July 2019 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ganacsatada ku sugan loo qabtay Tababarkii qaadashada lambarka Cashuur bixiyaha.

Qaadashada lambarka oo ay soo dawladda cusub ee Puntland ayaa sida ay sheegtay wuxuu qayb ka noqon doona hagaajinta Cashuuraha ayadoo lagu ogaanaayo Cashuur bixiyaha iyo Kan aan bixin

Daah furkii tababarkan loo qabtay Ganacsatada Gobolka Mudug waxaa ka soo qayb galay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Ismaaciil Cabdinuur Geesay iyo masuuliyiinkale

Qaadashada nambarkan la siinaayo Ganacsatada ayaa qayb wayn ka qaadan doona xiriir wanaag san oo wada shaqayneed oo dhex maridoona ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Lataliya dakhliga Wasaaradda Maaliyadda faarax Xasan faarax oo ka hadlay daah furkii tababarkan ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu dadaal dheeri ku bixi nayso hagaajinta Cashuuraha.

Waxaa xusid mudan in Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesay uu ganacsatada uga mahad celiyay bixinta Cashuuraha tababarkana ay ku fahmi doonaan wax yaabo faa’ido uleh

Xisaabiyaha Wasaaradda ayaa Lagu wareejiyay qalabka lagu shaqyn doono ee qaadashada lambar ka ee ganacsatada Puntland


Puntlandes.com

About The Author