Daawo Shirkii jaraa’id ee uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ku shaaciyey in Soomaaliya xiriirka u jartay Jamhuuriyadda Guinea.

04 July 2019 (Puntlandes)Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa waxay shaacisay inay xiriirkii u jartay Jamhuuriyada Gini, Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inaanay cidna ka aqbalayn farogelin ay ku sameeyaan qadiyada midnimada Soomaaliyeed.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed la socodsiineynaa in Laga bilaabo saacaadaan ay dowladda Federaalka ay xiririka u jartay dalka la yiraahdo Jamhuuriyadda Guniea oo ay caasimadiisa tahay Konagry”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Waxaa uu sheegay in sababata ay xiriirka ugu jareen ay tahay inay meel ka dhaca ku sameeyeen qaranimada, midnimada iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed, isagoo farriin u diray dalal dhowr ah oo xadgudubyo ka dhan ah ku ah qaranimada iyo Midnimada Soomaaliyeed.

Xiriirka ay u jrtay dowladda Soomaaliya dalka Gunie ayaa ka dambeysay markii maalin ka hor Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi lagu soo dhoweeyay dalkaas maqqaam heerkiisu sareeysa, iyadoo ay muuqato in dowladda Federaalka Soomaaliya arrintan ka xumaatay.

Daawo Shirkii jaraa’id ee uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ku shaaciyey in Soomaaliya xiriirka u jartay Jamhuuriyadda Guinea.
Puntlandes.com

About The Author