Muuqaalo: Somaliland oo ka hadashay go’aankii ay DFS xiriirka ugu jartay dalka Guinea

04 July 2019 (Puntlandes) Wasiir Faratoon ayaa ka hadlay xiriirkii ay DFS u jartay dalka Guinea kadib markii ay si heer sare ah usoo dhaweeyeen Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi

Faratoon ayaa ku dooday in Madaxweynaha Guinea uu qaabilay ama la kulmay kadib markii ay si heer sare ah usoo Madaxweyne Muse Bixi, laakiin warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan inaan wax kulan ah dhicin.

Dhanka kale ewaxaa xusid mudan inaysan madaxtooyada Somaliland oo shaacisay muuqaalka wasiir Faratoon aysan shaacin ama soo bandhigin sawirro muujinaya kulanka Muse Bixi iyo Madaxweynaha Guinea.

Daawo Wasiir Faratoon oo isagoo argagaxsan ka hadlay xiriirkii ay DFS u jartay dalka Guinea

Waxaa sidoo kalee ka hadlay go’aankii ay DFS xiriirka ugu jartay dalka Guinea wasiiro ka tirsan maamulkaas, hoos ka daawo.

Puntlandes.com

About The Author