Dowlada Soomaliya oo dhisaysa Guddiga Xakamaynta Hubka fudud

06 July 2019 (Puntlandes) Dowlada Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in la dhiso guddi xakameeya hubka fudud iyo rasaasta iyadoo gacan ka heleysa Urur Goboleedka  IGAD.

Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa kala saxiixday heshiis lixda bilood ee soo socota lagu diyaarineyo Guddiga qaran ee xakameynta Hubka fudud iyo rasaasta.

Warbixin ka soo baxday Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in guddigaasi iyo shaqada uu qabanayo ay qeyb ka tahay qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii dowladda Federaalka ah ula wareegi lahayd hubka fud fudud iyo rasaasta, ugana ilaalineyso in uu gacanta u galo Alshabaab iyo Daacish. Shaqooyinka Guddigan waxaa ka mid ah in hubkaasi si gaar ah loo yeesho,waxaana guud ahaan maamulaya oo milkiyaddiisa yeelaneysa dowladda Federaalka ah.

Waxaa kale oo Guddigan ka shaqeyn doonaan in hubkaasi uusan ka soo gelin ama ka gudbin soohdimaha Soomaaliya. Qorshahan ayey IGAD ku sheegtay in uu Soomaaliya ka caawinayo in laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran.

 

Puntlandes.com

About The Author