Akhriso Jubbaland oo jawaab ka soo saaray qoraalkii dawladda federaalka

07 July 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa ka jawaabay qoraal xalay ka soo baxay Dowladda Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa inay wasaaradda Arimaha gudaha DFS maamulayso doorashada Jubaland.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay inaysan marnaba gorgorton Dowladda kala geli doonin arrimaha ku aadan Doorashada gaar ahaan: Guddiga Doorashada, Hab raaca Doorashada, Goobta Doorashada, Qaabka Xulista Xubnaha Baarlamaanka iyo Amniga Doorashada.

Jubbaland ayaa si cadaysay in dhammaan howlaha doorashada ay iyada Xaq u leedahay isla markaasna aysan jirin door uga furan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jubbaland ayaa ku sii dartay inay Dowladda Soomaaliya caadeysatay ku xad gudubka Dasuurka dalka oo iyada lagu soo doortay, wuxuuna Maamulka sheegay in wixii cawaaqib xumo ee ka dhasha faragelinta Jubbaland ay dowladda qaadan doonto mas’uuliyadeeda.

Ugu dambeyntii Jubbaland ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay si dhow ula socdaan waxay ay ugu yeertay siyaasad gurawacan oo ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author