Sawirro: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Dhuusamareeb kula kulmay Wafdi ka socday Qatar
13 July 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ku qaabilay wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dalka Qatar.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Wasaaradda gaashaandhigga Qatar oo looga hadlay xoojinta taageerada Qatar ee dhismaha iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka amniga gudaha, wasuurudowlaha Wasaaradda Gaashaadhigga, Taliyayaasha ciidanka Xoogga, Booliska iyo Asluubta.
Dowladda Qatar ayaa ka qeyb qaadaneysa dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan dhismaha xarumaha ciidamada ee ku yaalla Dhuusamareeb arrintaas oo qeyb ka ah barnaamijka taakuleynta ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wafdiga oo ay wehliyaan taliyayaasha ciidamada dalka ayaa wadajir qiimeyn ugu sameeyay xarumaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dib-u-dhis laga billaabayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay Qaramaynta ciidamadii Ahlusunna Waljamaaca si ay qayb uga noqdaan ciidamada qaranka, looguna diyaariyo ka qayb qaadashada xoreynta deegaannada Galmudug ay uga sugantahay kooxda Argagaxisada.
Tayeynta ciidanka xoogga dalka, dhismaha xarumaha ciidanka, iskudhafka iyo qalababeynta ciidanka, ayaa qeyb ka ah halbeegyada ugu waawayn ee Tubta Amniga Iyo Caddaaladda.