Md. Dhuuboow ” Xujayda & Shirkadaha diyaaradaha waxay sanadkaan lacagahooda marsiin doonaan nidaamka Bangiyada”
17 July 2019 (Puntlandes) Wasiir ku xigeenka WasaaraddaAwqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya Md. Cusmaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in Qorshaha Xajka ee sanadkaan uu ka badalnaan doono kii sanadkii aan soo dhaafnay, iyadoo aan ka faa’idaysanayno wax badan oo horay u dhacay,waxaana sanadkii la soo dhaafay, wasaaradda Awqaafta iyo guddiga qabanqaabada Xajka ay dhaqangaliyeen isbadadallo muuqda oo lataaban karo.
Mudane Dhuuboow oo faahfaahinayay isbadallada dhinaca Xajka ee sanadkaan la gaaray ayaa yiri, “Horumarada Sanadkaan aan taabba galinay waxaa ka midah xujayda safaradooda, deegaanada ay degi doonaan xujayda oo ahayd meelo masaaafo ahaan ka fog xaramka waxaan hadda fududaynay inaan u diyaarinay deegaanno Xaramka u dhow”
Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo arimaha diinta wuxuu tilmaamay in habraaca dhinaca Socdaalka xujayda uu soo maray heerar kala duwan,xilliggii hore waxay ku koobnayd labada shirkadood ee Daalo iyo Jubba, sanadkii dhawaa waxaa ku soo biiray 3da shirkadood ee Ocean, Afrika iyo Freedom, sanadkaana waxaa xujayda u adeegi doona 11 shirkado diyaaradeed.
Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay. waxaana kor loo qaaday lana fuudeeyay Socdaalka martida Alle ugu baqoolayaan Goobaha barakaysan
Md.Dhuuboow mar uu ka hadlay adeegyada muhiimka ee wasaaradda Awqaafta iyo arimaha diinta u qabatay xujayda wuxuu tilmaamay in xafiiska wasaarada lagu daabici doono viisaha taasi oo uu sheegay inay dabooli doonto in dalka dibadiisa loo qaado baasabroorada xujeyda soomaaliyeed.
Sidoo kale mudane Dhuuboow wuxuu sheegay intirada xujayda Soomaaliyeed ka xajinaya gudaha dalka in ay sanadkaan gaarayaan Kow iyo toban kun iyo shan boqol oo xaaji, (11500), kuwaasi oo dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda diinta iyo Awqaafta u diyaarisay adeegyada muhiimka ah ay u baahan yihiin
Wasiirku xigeenka Awqaafta iyo arimaha diinta wuxuu hoosta ka xariiqay in sanadkan shirkadaha diyaaradaha iyo xujaydaba ay lacagahooda marsiin doonaan nidaamka Bangiyada,arintaasi wax wayn ka badali doona dhibaatooyinkii jiray, islamarkaana lacagihii gacanta lagu qaadi jiray ay mari doonaan nidaam Bangi.
Puntlandes.com