Madaxweyne Deni oo magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha ee Bosaao.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr43, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo
Wuxuu xeeriyay:
1. Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
2. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
***DHAMAAD***