Akhriso Guddiga Madaxa Bannaan ee Xudduudaha & Doorashooyinka Jubbaland oo soo saaray shuruudaha Musharaxa madaxweynaha Jublanad laga rabo
18 July 2019 (Puntlandes) Guddiga Madaxa Bannaan ee Xudduudaha & Doorashooyinka Jubbaland ayaa wuxuu soo saar ay sharuudaha laga doonayo in uu buuxiyo musharaxa madaxweynaha Jubaland.
Qabashada araajida musharaxnimo ayaa ka bilaabanaysay 16kii bishan kuna eg 22ka bishan, isniinta soo socota.
Sharuudaha oo ah kuwo lagu xujaynayo musharixiinta ayaa waxaa ka mid ah:
- Inuu Shahaado Jaamacadeed ama 10 oo khibrad hogaamineed ah uu haysto (Axmed Madoobe)
- Inuu iska casilo haddii uu hayey xilalka Jubaland iyo DFS ka hor xaraynta arjiga
- Inuu soo gudbiyo dokument cadaynaya khibradiisa shaqo
- Inuu arjiga ku soo daro barnaamijkiisa siyaasadeed ee oo musharaxa ku yahay
- Inuu musharuxu soo raaciyo arjiga $30.000, dumarka $15.000 loomana celinayo lacagtaas
- Waa inuu musharuxu saxiixaa Xeerka anshaxa iyo habdhaqanka musharaxa, haddii uu diidana looma aqoonsanayo musharax